Wakiilka Qarammada Midoobay oo ka Hadlay Kulan uu la Yeeshay Xukuumadda

0
420

Newyork(Dawan)- Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay Mr. James Swan ayaa warbixin uu Khamiistii ka horjeediyey Golaha Ammaanka waxa uu ku soo qaaday booqashadiisii u horreysay ee uu ku tagay Somaliland iyo qoddobadii uu kala hadlay madaxda Jamhuuriyadda Somaliland.

James Swan wuxuu sheegay inuu booqasho laba malamood qaadatay uu ku tagay Somalland 27kii illaa 28kii July 2019. Waxaannu yidhi “Waxaan booqday Somaliland 27 ilaa 28kii July ee la soo dhaafay waxaan la yeeshay Madaxda Somaliland wadatashiyo isbarasho ah.”

“Waxaan ku dhiirigeliyey in la sii wado wada hadalka u dhexeeya dawladaha Hargeysa iyo Muqdisho si looga gun gaadho dedaaladii hore,” ayuu yidhi Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply