Qaar ka Mid ah Xirfadleyaasha oo ka Dayriyay Suuqgeynta Waxsoosaarkooda iyo Birta Dalka Laga Dhoofiyo

0
506

Hargeysa (Dawan):-  Farsamayaqaanada Birta ee magaalada Hargeysa,ayaa  cabasho ka muujiyay dhoofinta birihii ay isticmaali jireen, taas oo keentay in ay qaali ku noqoto birtu kuna yaraato oo iyaga dib looga sii iibiyo.

Farsamo-yaqaanadda maxaliga ah ayaa quus ka muujiyay suuq la’aan hoos u dhigtay horumarkii wax-soo-saarkoodu sameyn lahaa oo ay qarqiyeen badeecado dibedda laga soo waariday, kuwaas oo ay iyagu bulshada u sameyn kari-lahaayeen.

Aabbo Cali Cige Xasan oo ka mid ah bahda farsamayaqaanada maxaliga ah ee birta tuma ayaa tilmaamay in caqabada kale ee shaqadoodii soo food saartay ay tahay biraha iskaraabka ah ee dalka laga dhoofinayo  oo uu xusay in ay hada gabaabsi tahayba.

Cali Cige Xasan oo u warramay wareyska Dawan,ayaa  ugu horeyn arrimahaa ka hadlaya waxaa uu yidhi “Shaqadayadii oo dhan waxaa caqabad ku noqday waxaa dibedda laga keenayo, sida Dhiishii biyaha ee aanu sameyneynay shaashada uga baxday ee jirikaamaddu uga saareen ayaa tan imika aan dhexjoogaana ay shaashada uga sii baxeysa”

Aabo Cali Cige Xasan waxaa uu mid mid u sharaxay agabyadda kala duwan ee ay soo saaraan ee loo adeegsado Miyi iyo Magaalaba waxaanu yidhi “Waxyaabaha aanu soo saarno waxaa ka mid ah, Marashida beeraha lagu qodo, Jignaha xabaalaha lagu qodo, Gudinta reerka lagu oodo, Malqaacadda cuntadda lagu guro, Daawaha loxooxda lagu dubo, Middida xoolaha lagu qalo, taas oo wada tayo fiican kana wanaagsan kuwa dibedda laga soo dejiyo waxaana cidhiidhi galay Girgirayaasha aanu sameyneynay oo kuwa dibedda laga keenay ay meesha ka saareen iyo Sancadayadii oo sii socota oo hada siiba gabaabsiya”

Waxaanu inraa raaciyay isagoo hadalkiisa sii wata“Dadkii wax-soo-saarayay ee dalka u dhashay ee mu’waadiniinta ahaa waxay qabtaan bay la’yihiin ee farsamo-yaqaanka ahaa, in aanu imika tahriibno ayuunbaa noo hadhayba wax kale nooma hadhinba, waayo biraha dalka dibeddiisa loo dhoofinaya  caqabad ayay nagu noqdeen waayo birtii ayaa gabaabsi noqday oo dalkeena ayaa u baahanba, anagiina gabaabsi ayay nagu noqdeen imika Geerashyadda ayaanu yara gaadh gaadhnaa oo aanu ka soo guranaa waxan aanu Gudmaha iyo waxyaabahaasi ka tumeyno, ama kuwan laga iibiyo ee  miisaamaya ayaa dib nooga sii iibiya oo naga sii miisaama anaga, hadii ay adiga ka wariye ahaan ku arkaana nagaba iibinmaayaan, cidkasta oo masuul ah oo ay khuseyso waxaanu ugu baaqaynaa in ay wax ka qabtaan, oo dadkii farsamo yaqaanka ahaa ee wadanka u dhashay shaqo haw abuuraan oo shaqo gelin haw sameeyaan”

Gabagabadii hadaan shicib iyo dawladdba aan wax laga qaban caqabadaha soo food saaray farsamayaqaanada birta tuma ee Somaliland waxaa iman doonta in aan kumanaan qoys oo   shaqadan ku tiirsana ay Dab shidan waayaan  oo ay noloshooda saamayn dhaqaale oo wayn ku yeelan doontosuuq la,aanta soo food saartay waxsoosaarkooda iyo brta iskaraabka ah ee dalka laga dhoofiyaaba..

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply