Xisbiga UCID oo Taageeray Tallaabo Xukuumaddu Qaadday

0
533

Hargaysa(Dawan):-Xisbiga   Mucaaradka ah  UCID,  ayaataageeray isla markaana soo dhaweeyay tallaabo ay Xukuumaddu qaaday oo la dhaqan galiyay.

Tallaabada Xukuumaddu qaadday ee Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Taageeray ayaa ah   Go,aankii   Wasaaradda  Ganacsiga  Dalxiiska  iyo  Warshadaha  Somaliland ay ku laashay  Lacago   laga  qaadi jiray  Koonteenarada  lagala soo dego  dekeda  magaalada  Berbera.

Xoghayaha  Arrimaha Dibedda ee Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Maxamuud Cali SaLeebaan  Ramaax oo shalay la hadlay Telefishanka  Horyaal ayaa   usoo jeediyay  Ganacsatada    in ay  u hoggaansamaan   Go,aankaa Wasiirka Wasaarada  Ganacsiga  Dalxiiska   uu ku joojiyay lacagaha dheeraadka  ah ee laga qaadi jiray  Koonteenarada ka soo dega dekedda Berbera.

Xoghaye Ramaax oo arrimahaa ka hadlayaana waxaa uu yidhi.“Waxa aan leeyahay dhiigmiiratadu  ha u hoggaansamaan sharciga Xukuumadda  ee umadda loogu danaynayo boqol iyo konton iyo shan doolar ayaa laga qaadi jiray  halka Koonteenar oo khalad ahayd,waxaana laga faa’iidaystay xiligii kala guurka,waxa qaadanayay qof  wax shaqo ah oo uu ummadda u qabanayaa aanay jirin  ganacsatadu way dareensanayd ninka  100    Koonteenar keenayay wuu isbixinayay,laakiin  Ganacsatada   hal Koonteenar keenayay way dhibaysay in  150 doolar laga qaado   sidaa daraadeed  waan soo dhawaynayaa  waanan hambalyaynayaa  go,aankaa Wasiirka  ka soo baxay.”.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply