Wasaaradda Caafimaadka iyo Dawladda Hoose ee Hargeysa oo Heshiis Kala Saxeexday

0
514

Hargeysa (Dawan):- Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland iyo Dawladda Hoose ee Hargeysa, ayaa kala saxeexday heshiis ku saabsan maamul daadejinta caafimaadka ee mashruuca JPLG-ga.

Kulan ballaadhan oo lagu qabtay Xarunta wasaaradda Horumarinta caafimaadka oo ay ka soo qayb galeen wasiirro,maayerka maayerka caasimadda Maayerkii hore,agaasimeyaal guud iyo madax kale,ayaa shalay lagu kala saxeexday heshiis ay wada gaadheen Wasaaradda Horumarinta caafimaadka iyo dawladda Hoose ee Hargeysa.

Duqa caasimadda Hargeysa oo hadal kooban ka jeediay munaasibaddii ay heshiiska ku kala saxeexdeen wasaaradda horumarinta Caafimaadka,ayaa soo dhaweeyay heshiiska maamul daadejinta caafimaadka ee ay dawladda hoose la gashay wasaaradda,waxaanu intaa ku daray in ay kaalinta koobaad ka galeen maamul daadejinta waxbarashada isla markaana ay bulshada uga faa,iidayn doonaaan ka caafimaadkana, isagoo xusay in sharcigu dhigayo in maamul daadejinta lagu wareejiyo dawladaha hoose hadba inta ay awoodaan.

Maayer Cabdiraxmaan Soltelco oo arrimahaa ka hadlayaana waxaa uu yidhi. “Wasiir maanta (shalay) farxad wayn ayay noo tahay in aynu heshiiskan kala saxeexano,sida ku cad qodobada dastuurka ee 11,12 iyo xeer 23. Waxay intuba dhigayaan in adeegyada aasaasiga ah lagu wareejiyo dawladaha hoose hadba inta ay karayaan,waxaan aad ugu faraxsanahay in muddadii koobnayd ee aanu ku jirnay mashruuca maamul daadejinta waxbarashada in aanu kaalinta koobaad galno si ay u soo dhiiri geliso in ta caafimaadkana nalagu wareejiyo.”ayuu yidhi Duqa caasimadda Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid.

Wasiirka Horumarinta Caafimaadka Prof: Cumar Cali Cabdilaahi Bade, oo isna kulanka hadal kooban ka jeediyay,ayaa sheegay in qorshohoodu uu yahay in ay seeska u dhigaan waxqabad cidda ka dambaysaa ay sii wadi karto,waxaanu yidhi. “Horta inteenan imika joogtaa waligeenba in aynaan joogayn ayaa dhici karta oo geeri iyo is bedelba wuu imanayaa markaa waxaa loo baahan yahay markaynu wax qorshaynayno in aynu ka fekerno hawl qorshaysan oo cidda innaga dambaysa ay ku shaqayn karto. Oo leh hadaf cad qorshe la higsanayo oo aynaan maalin walba eber uga bilaabin.”

Waxaa kale oo munaasibaddaa ka halday wasiirka waxbarashada iyo Sayniska,maayerkii hore ee caasimadda Hargeysa iyo agaasimeyaal guud oo dhammaantood ka war bixiyay faa’iidooyinka uu qaranka u leeyahay mashruuca maamul daadejintu.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply