Hargeysa: Wasiirro Booqday Goobihii ay Roobabku Khasaaraha Gaadhsiiyeen

0
496

Hargeysa (Dawan) Xubo ka mida golaha wasiiradda Somaliland, wasiir ku xigeeno iyo taliyaha ciidanka dab-damiska oo uu weheliyo badhasaabka gobolka Maroodijeex ayaa kormeer indha indheyna ku soo maray goobihii uu khasaaraha gaadhsiiyay roobkii habeen hore ka da’ay gudaha magaalada Hargeysa.

Masuuliyiintani ayaa warbixino ka dhageystay muwaadiniintii ay waxyeeladu ka soo gaadhay roobku.

Wasiirka wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada marwo Hinda Jaamac Xirsi Gaani oo ku hadleysay afka masuuliyiintan kormeerka sameeyay ayaa faahfaahin ka bixisay waxyaabaha fududeeyay khasaaraha ka dhashay roobkii habeen hore ka da’ay gudaha caasimadda waxaaney tidhi “Waxaa aanu soo marney goobihii khasaaraha nafta iyo maalkaba lihi ay ka dhaceen, kuwaasi oo ay kow ka tahay halkii ay ku naf waayeen saddexda muwaadin, ee uu ku dumey Darbigu, waxaa aanu tagney oo kale xarunta cilaajka ee Sahan, halkaasi oo ay ku dhawaacmeen siddeed qof oo muwaadinin ahi, oo goobtaasi loo geeyay in lagu dabiibo, sidoo kale waxaa aanu tagney goobo kale oo uu khasaare ka dhacay, kuwaasi oo ay ka mid yihiin Macdaro, hase ahaate saddex ayaa iskaashaday ayuu yidhi ninkii islaantu lagaday, waxaa la awday goobihii loogu talo galay biyo mareenadda, Boodhadhka wax lagu xayeysiiyo oo si aan cilmiyeysneyn gudaha magaalada looga dhex taagay, Birihii leydhka qaadayay oo iyagana laga dhex taagay gudaha magaalada, dhab ahaantiina waxaa ay yeesheen laba dhibaato, oo shub weyn oo la taagay ayaa dabayshu rideysa waxaa iyana ay sababeysa inay dhimasho iyo dhaawac kale keento”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply