Maxkamada Ciidamada ee Gobolada Galbeedka oo Xukunno ku Riday Laba Askari

0
707

Boorama (Dawan) Guddoomiyaha maxkamadda darajadda koowaad ee gobolada galbeedka dalka gaashaanle Maxamed Cabdillaahi Aadan ayaa ku dhawaaqay xukuno kala duwan oo ay ku riday laba eedeysane, isaga oo xusay in mid ahaan ay dil toogasho ah ku xukumeen halka ka kale ay ku xukuntay 15-sano oo xadhig ciidana.

Xeer ilaalinta guud ee ciidamada Qaranka Somaliland ayaa hor keenay maxkamadda darajada koowaad ee goboladda galbeedka Somaliland eedaha loo heysto labadan askari.

Ku xigeenka xeer ilaaliyaha maxkamadda ciidamada Qaranka Somaliland Yaasiin Cabdi Maxamuud (Faloriin) ayaa maxkamadda darajadda koowaad ee gobolada galbeedka ka hor akhriyay eeda loo heysto labada askari waxaanu yidhi “Waxaa maanta oo taariikhdu tahay 28/8/2019 xeer ilaaliyaha guud ee maxkamada ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland hor keenay maxkamadda darajadda koowaad ee goboladda galbeedka, taasi oo safaro shaqo ku joogta magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal, laba eedeysane.

Eedeysanaha koowaad oo ah dable askari Bool Mustafe Muuse Xasan L/5585 ama 15585 Mustafe Muuse Xasan kaas oo ka tirsanaa saldhiga dhexe ee degmadda Boorama, kaasi oo lagu eedeynayo inuu si badheedha tooray ugu dhuftay saddex jeer marxuun Mahdi Nuur Cabdillaahi Ina Nimco Muumin oo 35-jira, falkaasi oo ka dhacay dalka Itoobiya taariikhdu markay aheyd 21/5/2019-ka, islamarkana uu marxuunkaasi u nafwaayay sababtaasi”

Yaasiin Cabdi Maxamuud (Faloriin) isaga oo hadalkiisa sii wata waxaa uu intaasi ku daray “Sidoo kale eedeysanaha labaad oo ahaa askari ama kormeere ciidanka asluubta ah Maxamed Nuur Cali kaasoo isna si badheedha u toogtay dhibane, kaasi oo isna lagu eedeynayo inuu si badheedha u toogtay dhibane Gaashaanle ciidanka asluubta Axmed Nuur Cadar taliye ku xigeenkii xabsiga gobolka Awdal ee magaalada Boorama, kadib markii uu rasaas ooda kaga qaaday balse uu ILLAAHEY ka badbaadiyay labada eedeysane waxaa aanu ku soo eedeynay, qodobada kala ah 434 iyo qodob kale oo u gaara eedeysanaha koowaad, eedeysanaha labaad waxaa aanu ku soo eedeynay qodobka 434 ee L/17 oo lala akhriyay qodobka 30 ee xeerka ciidamada wakhtiga nabada”

Waxaana xukunadda kala duwan ee lagu riday labadaasi askari ku dhawaaqay gaashaanle Maxamed Cabdillaahi Aar gudoomiyaha maxkamadda darajada koowaad ee gobolada galbeedka Somaliland waxaanu yidhi “28/8/2019 waxaa ay maxkamadda ciidamada darajada koowaad ee goboladda galbeed dil toogasho ah ku xukuntay gacan ku dhiigle Ex Dable Bool 5585 Mustafe Muuse Xasan ina Luul Cadar oo dadiisu tahay 30-jir oo si badheedha u dilay Marxuum Mahdi Nuur Cabdillaahi Dhuule ina Nimco Muumin oo dadiisu tahay 30-jir, maxkamaddu waxaa ay xukunkeeda u cuskatay Suratul Baqara, oo waafaqsan qodobka xeerka ciqaabta guud ee 434, waxaana u furan Racfaan gudoomiyaha maxkamadda darajada koowaad ee gobolada galbeedka Somaliland gaashaanle Maxamed Cabdillaahi Aar, maxkamaddu sidoo kale waxaa isla maanta ay ku dhawaaqday xukunkiisa kuna xukuntay 15-sano oo xadhig ciidana Danbiile Ex-kormeere saddexaad ciidanka asluubta Maxamed Nuur Cali ina Caasha Xuseen dadiisu tahay 33-jir, oo kula kacay fal isku day dila gaashaanle ciidanka asluubta Axmed Nuur Caddar oo ah taliye ku xigeenkii ciidanka asluubta ee gobolka Awdal, waxaaney maxkamaddu xukunkeeda u cuskatay qodobka 434 -17 xeerka ciqaabta guud, oo lala akhriyay qodobka 30-aad ee xeerka ciqaabta ciidamadda xiliga nabada, xukunka waxaa ka furan ambiil 30-cisho gudaheeda, gudoomiyaha maxkamadda ciidmada darajada koowaad ee gobolada galbeed gaashaanle Maxamed Cabdillaahi Aadan Aar”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply