Kuray Ayaa Somaliya Ka Talisa, Wada Hadalna La Furi Mayno” Faysal Cali Waraabe

0
493

Burco (Dawan): Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in dalal dhawra ay ka diideen in ay qayb ka noqdaan wada hadaladda u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya.

Wadamadaasi ayuu ku tilmaamay in ay Somaliland u aragto in ay yihiin kuwo danno gaar ah leh, isla markaana aan lagu aamini karin in ay si daacadnimo ah u dhex dhexaadiyaan.

Eng. Faysal Cali Wareebe, waxa uu sidan ka sheegay hadal uu shalay ka jeediyay munaasibad loo qabtay ardayd ka qalin jebiyay jaamacadda Alpha qaybteedda Burco.

Isagoo arrintaas ka hadlayayna waxa uu yidhi “Wada hadalka Soomaaliya waanu ogol nahay, laakiin waxaan doonaynaa madal caalamiya, oo dad inoo kala gar-naqa, oo hadhaw damaanadiisa la hello.

Waxaanu diidnay in ay wada hadaladda galaan, wadamo dhaw ah, maxaa yeelay danno gaara ayay leeyihiin”.

Geesta kale guddoomiyaha UCID waxa uu sheegay in siyaasiyiin u shaqo tegay Soomaaliya ay lacago fara badan ku faraqaan dhalinyaradda joogta Somaliland si ay uga dhaadhiciyaan fikirka Soomaali-weynta.

Waxaanu tilmaamay in aanay wakhtigan jirin wax dawlad Soomaaliyeed ah oo jirta, balse ay yihiin shan maamul oo midna aanu awood ku lahayn degaanka uu sheegto.

Guddoomiyaha UCID oo arrimahaas ka hadlayayna waxa uu yidhi “Dawlad ka jirta Soomaaliya horta ma jirto. Si loola dagaalamo dhalinyaradaasi ayaa loo ictiraafay.

Si kharashka dagaalka ku baxaya khayraadka looga goosto, oo looga guran lahaa Badda, ayaa loo ictiraafay”.

Waxaanu intaas raaciyay, “Maanta Soomaaliya shan dawladood baa ka jira, horta anigu ta Kismaayo ayaan u tegayaa, haddii ALLE yidhaahdo.

Shantaa dawladood mid waliba magaalo ayay haysataa, nimanka Xamar jooga, ee aan Kurayda u bixiyay, mid qudha oo saamayn ku leh dhulkaa uu joogo ma jiro”ayuu yidhi Eng. Faysal.

Leave a Reply