Dawlada Ingiriiska oo Saxeexday Heshiis ku Kacaya £ 31 Milyan oo Lagu Taageerayo Horumarka Ka Socda Dalka Somaliland

0
517

London (Dawan)- Dawladda Ingiriiska ayaa sheegtay inay heshiis lagu taageerayo wejiga labaad ee sanduuqa SDF la saxeexatay xukuumada Somaliland iyo dalka Netherlands, loogu tallo galay horumarinta nolosha shacabka, iyo helitaanka adeegyada aasaasiga ah.

Sida lagu sheegay qoraal shalay ka soo baxay Ingiriiska , ayaa wejiga labaad ee SDF2 (£25m, 2018-2022) ayaa lagu hirgelin doonaa iskaashiga xukuumada Somaliland, si kor loogu qaado xasilloonida muddada fog iyo iskaashi lala sameeyo dawladda Somaliland si kor loogu qaado xasilloonida muddada fog ee gobolka. Waxay gacan ka geysan doontaa hagaajinta nolosha dadka reer Somaliland iyadoo la dhisayo kaabayaasha muhiimka ah, sida wadooyinka, nidaamyada biyaha iyo tas-hiilaadka beeraha, waxay kale oo gacan ay ka geysan doontaa dhisidda awoodda hay’adaha Somaliland. Barnaamijkan cusub ee la jaan qaadaya Qorshaha Horumarinta Qaranka Somaliland II (NDPII) wuxuu ku dhisi doonaa guulihii barnaamijkii asalka ahaa ee SDF (2013-2018).

Boqortooyada Midowday (UK) iyo xukuumada Somaliland waxay sidoo kale kala saxeexdeen Heshiis Is-faham ah oo lagu cusbooneysiinayo si loo taageero hirgelinta Barnaamijka Tamarta iyo Ka faa’iidaysiga Kheyraadka ee Somaliland (ESRES) kaas oo hadafkiisu yahay in la helo koronto nadiif ah, lana awoodi karo dib-u-cusboonaysiinta tamarta Somaliland.

Heshiisyada waxaa kala saxeexday Madaxweynaha JSL Md Muuse Biixi Cabdi iyo Mr. Damon Bristow, oo ah madaxa xafiiska waaxda horumarinta caalamiga ah ee UK (DFID) ee Soomaaliya. Safiirka Ingiriiska, Ben Fender, iyo Madaxa Xafiiska Ingiriiska ee Hargeysa, Stuart Brown, ayaa iyaguna goob joog ahaa.

Mr. Damon oo arrintan ka hadlayay ka dib xafladdii saxeexa ee ka dhacday qasriga Madaxtooyada ee Hargeysa, ayuu yidhi: “Boqortooyada Ingiriiska waxa go’an inay taageerto dadka reer Somaliland. Waxaannu aqoonsan nahay dadaallada lagu horumarinayo hay’adaha iyo sidii loo heli lahaa adeegyo aasaasi ah oo dadka deegaanka ah. ”

“SDF 2 waxay hubin doontaa in dadka caadiga ah ee reer Somaliland ay ka faa’iidaysan doonaan adeegyada la hagaajiyay iyagoo taageeraya kobaca dhaqaalaha Somaliland.”

“ESRES waxay wax ka qaban doontaa yareynta qiimaha sare ee korantada Somaliland, waxayna gacan ka geysan doontaa kobcinta horumar cagaaran iyo yareynta saboolnimada iyadoo la kordhinayo helitaanka adeegyo tamar badan oo la awoodi karo lana isku halleyn karo.”

Leave a Reply