Wasiirka Arrimaha Gudaha oo Daah-furay Shirweye lagaga Hadlayay Qorshaha Maamul Wanaagga Dawliga ah ee Shanta Sannadood

0
584

Qore Faysal Xiis Afgaab

Hargeysa (Dawan):- Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland mudane Maxamed Kaahin Axmed, ayaa shalay daahfuray shirweyne caalami ah oo lagaga hadlayay qorshaha maamul wanaagga shanta sanno ee soo socda ee qaranka.

Shirkan oo ay ka soo qayb galeen wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Maxamed Kaahin Axmed, wasiirka xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha dastuurka Somaliland Maxamed Xaaji Aadan Cilmi, Agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha gudaha Cabdi Axmed Nuur (Cabdi guray) La taliyaha wasaaradda arrimaha gudaha Proff: Iid Cali Maxamed.

Madaxda Hay’addaha caalamiga ah, kuwa Qaramada Midoobay, Midawga Yurub iyo madax ka socday dawladda Ingiriiska iyo dhammaan dawladaha Somaliland ka taageera dhanka horumarka ee qaadhaan bixiyeyaasha ah.

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed oo ka hadlay shirkaasi muhiimadda uu qaranka u leeyahay iyo ujeedooyinka loo qabtay. Waxa uu intaa tilmaamay in shirkaasi uu yahay mid wax la iskaga waydiinayo maamul wanaagga oo ay isla eegaan wixii la soo qabtay iyo halka la marayo iyo qorshaha shanta sanno ee dawladda, isla markaana ay iska kaashadaan Somaliland iyo dawladaha la saaxiibka ah iyo waliba hay’addaha caalamiga ah.

Wasiirka oo arrimahaasi ka hadlayay waxaa uu yidhi. “Shirkan iyo kulankan waxaa isugu yimaadda wasaarado badan iyo hay’addo badan oo caalami ah iyo beesha caalamka, dalalka Midawga Yurub, Qaramada Midoobay, waxaana la qabtaa saddexdii biloodba mar, waxaanu ku saabsan yahay qorshaha maamul wanaagga dawladeed, waxaanu ku aasaasan yahay qorshaha iyo qaabka uu xadaynaayo ama jidaynaayo qorshaha horumarinta qaranka ee labaad.

Waxaanu ka kooban yahay shan waaxood,waxaana lagaga wada hadlaa sadex biloodkiiba mar, maxaa la soo qabtay iyo maxaa la doonayaa in la qabto, maxaa qabyo ah iyo maxaa la doonayaa in la qabyo tiro, iyo kaalmooyinka la bixinayo iyo hawlaha la qabanayo, markaa waa laga doodaa aragtiyaha ayaa la is waydaarsadaa, waxbaa la iska waydiiyaa, hay’addaha caalamiga ah iyo qaramada midoobay warbixintooda ayay bixiyaan, xukuumadda laamaha dawladduna warbixinadooda ayay bixiyaan markaa kadibna waxyaabaha la isla qaatay ayaa la qodobeeyaa oo loo diyaariyaa in shirka soo socda ee dambe la hordhigo si looga wada hadlo waxyaabihii lagu heshiiyay wixii qabsoomay iyo waxa qabyo ah ee u baahan in la qabyo tiro.

Si wanaagsan ayaanay uga soo qayb galeen hay’addaha caalamiga ah, midawga Yurub, qaramada midoobay iyo beesha caalamkuba, waanan uga mahad naqayaa dhammaantood, waxaa kale oo aan uga mahad naqayaa agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha gudaha iyo la taliyaha wasaaradda Prof Iid Cali Maxamed iyo dhammaan agaasime waaxeedyada wasaaradda oo shirkan muhiimka ah soo qaban qaabiyay.” ayuu yidhi wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed.

Waxaa kale oo isna shirkaa faah faahin ka bixiyay ujeedooyinka loo qabtay la taliyaha wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Proff: Iid Cali Maxamed.

Waxaanu faah faahin ka bixiyay shirka iyo ujeedooyinka lagaga wada hadlay iyo faa’iidooyinka uu qaranka u leeyahay.

Lataliye Iid oo arrimahaa ka hadlayaana waxaa uu yidhi. “Maanta (shalay) waxaa halkan ka qabsoomay shir aad iyo aad u qiimo badan oo lagaga hadlayay qorshaha shanta sanno oo ka bilaabmaya 2017-kii illaa 2021-ka, qorshahaas oo u qaybsan wax la yidhaahdo rukummo, markaa rukunkani waa rukunka maamul wanaagga oo ka kooban nabad gelyada, caddaaladda, maamul daadejinta iyo arrimaha dibedda iyo dhaqaalaha, markaa waa qayb aad iyo aad u ballaadhan. Waana qaybta ugu badan qorshaha dawladda xubnaha ku jiraa ama ha ahaadaan waaxyaha dawladda ama beesha caalamka ama kuwa bulshada. isu geynteeda iyo isku dubbaridkeedu wakhti badan ayuu nagu qaatay laakiin imika meel wanaagsan ayay maraysaa.”

Lataliye Ii doo hadalkiisa sii wata, ayaa intaa raaciyay. “Markaa waxaanu halkan isugu nimi hay’addihii caalamiga ahaa qaadhaan bixiyeyaashii, qaramada midoobay, dawladda qaybeheedii kala duwanaa, wasaaradahana inta ugu badan ayaa ku jirta waxaana ka mid ah wasaaraddaha arrimaha gudaha,warfaafinta,difaaca,maaliyadda caddaaladda, arrimaha dibedda, arrimahan aan ka hadlaynaana waa arrimo nolosha muhiim u ah waayo? Meel aan caddaaladi ka jirin ama aan nabad gelyo ka jirin nololi kama jirto, markaa tan waxaan ku dedaalnay in aan xoojino nabad gelyada caddaaladda iyo wixii aanu kula xidhiidhayno beesha caalamka. Waxaana ka soo qayb galay beeshii caalamka qaramada midooay iyo hay’addo caalamiya waxaana ka mid ah sidii ictiraafka loo raadin lahaa. Markaa waxaanu soo bandhignay shanta sanno miisaaniyaddii lagu shaqayn lahaa. markaa hay’addaha iyo qaadhaan bixiyeyaasha waxaanu kala hadlaynay shanta sano ee soo socda miisaaniyadda ay u baahan tahay waxaana taa garab socday in aanu soo bandhigay waxay dawladduna ku daraysay ee ay kaga qayb qaadanaysay waayo? Maaha in aynu daasad madhan uun sidano ee waa in aynu wax la nimaadno. markaa si wanaagsan ayuu shirku noogu qabsoomay oo guul ah isfaham ayaanu ku dhammaaday.”

Waxaa kale oo iyaguna ka hadlay wasiirka xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha Dastuurka Maxamed Xaaji Adan, iyo madax ka socday Hay’addaha kala duwan ee kasoo qayb galay.

Waxaanay dhammaantood ka hadleen muhiimadda ay qaranka u leedahay maamu wanaaggu iyo sida loogu baahan yahay in hannaanka maamul wanaagga oo qorshaha xukuumadda ee shanta sano ee soo socda in laga wada shaqeeyo.

 

Leave a Reply