Gudidda Qandaraasyada Qaranka Somaliland oo Daahfuray Tartanka 6 Mashruuc

0
455

Qore Khadar M. Xaashi

Burco (Dawan) Gudoomiyaha guddida Qandaraasyada Qaranka Somaliland mudane Nuux Maxamed Xuseen ayaa magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer ka daahfuray mashruuc loogu tartami doono lix mashruuc oo laga fulin doono goboladda iyo degmooyinka dalka.

Waxaana mashruucani u tartamaya lix iyo afartan shirkadood oo wadaniya.

Waxaana munaaasibadii lagu daahfurayay mashruucani ka soo qayb galay madaxda iyo masuuliyiinta guddida qandaraasyada Qaranka iyo dhammaan madaxda shirkadihii tartanka u galayay.

Gudoomiyaha guddida Qandaraasyada Qaranka Somaliland mudane Nuux Maxamed Xuseen oo ugu horreyn halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “Waa maalin Arbaco ah, waxaanu halkan ku daahfurnay lix mashruuc oo gobolada dalka iyo dadka loogu tartamayay, waxaana ku soo tartamay lix iyo afartan shirkadood lixdaasi mashruuc go’aanka kama danbeysta ah waxaa aanu yeedhin doona subaxa Sabti, Insha ALLAH, shirkadaha waxaan kula dardaarmaya sidii cadaada noo aheyd cadaalad inaad naga fishaan tartan xor iyo xalaala ayaanu idiin qabaneynaa, aad iyo aad ayaadna u mahadsan tihiin”

“Mashruuca ay u tartamayaan shirkadaha gaadhay 46-ka shirkadood aad iyo aadna waan ugu mahad celineynaa madaxweynihii soo igmadayna waxaa aan odhan karnaa cidii ku munaasibka aheyd ayuu u dooray shaqada, anigu ka shirkad ahaan mashruuca aan u tartamay dalka waa halka ugu shisheysa, waa Badhan oo faro-gelin badanina ay ku jirto cadaalad ayay noo sameynayaan oo shirkado reer Badhaneeda ayaanu ku tartameynaa” ayay yidhaaheen qaar ka mida shirkadihii u tartamayay lixdan mashruuc.

Leave a Reply