Taliyaha Ciidanka Qaranka Aagga Sadexaad oo Kormeeray Jiida Hore ee Badhan

0
714

Qore Khadar M .Xaashi

Badhan (Dawan)- Taliyaha qaybta saddexaad ee ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland gaashaanle sare Faysal Cabdi Bootaan ayaa kormeer balaadhan ku soo maray deegaannada Badhan ee bariga gobolka Sanaag, sida magaalooyinka Carmaale iyo Ceel-buuh iyo deegaanadda hoos yimaada.

Taliyaha ayaa intii uu kormeerkiisa ku guda jiray waxaa uu si dhaw isha ugu hayay hanaanka habsami u socodka ee ciidanka Qaranka ee deegaanadaasi ku sugan.

Sidoo kale waxaa uu taliyuhu ku ammaanay sida ciidamadii uu jiidahaasi ugu tagay ay u ilaalinayeen, nabadgeliyada jiidaha ay joogaan iyo dhaqanka suubanba.

Dhanka kale ciidamada fadhigoodu yahay guutooyinka boqol iyo lix iyo toban iyo guutadda 93-naad ee deegaanadaa Carmaale iyo Ceel Buuh ayaa sheegay in ay yihiin ciidan Somaliland ah oo dhaba, islamarkaana haddii ay nolol ku joogi waayaan ay dhimasho ku joogayaan deegaanadooda.

Taliyaha qaybta saddexaad ee ciidanka Qaranka gaashaanle sare Faysal Cabdi Bootaan ayaa ciidamada uga mahad celiyay hawlaha ay Qaranka u hayaan waxaanu yidhi “Aad iyo aad ayaan idiin salaamaya salaam buuxdana waxaa aan idiinka wada taliyihii ciidanka Qaranka sareeya gaas Nuux Ismaaciil Taani, ciidan ahaan sida aad u diyaarsan tihiina waan idinku hanbalyeynaya sida aad u ilaalisan dadka deegaanka iyo dhaqanka, jiidaha aad joogtaana waanu ka dharagsanahay aad iyo aad waxaan u bogaadinaya ciidamada jiidahaasi jooga sida ay u shaqeynayaan, guutada boqol iyo tobnaad oo deegaanka ay joogto hanatay oo wax badan ka qabatay, lana dagaalantay dhuxusha iyo dabargoynta daaqa, oo la dagaalantay wax alaale wixii nabadgeliyo daro wada, ciidanka jooga Ceel-buur, ciidanka jooga Dhahar, ciidanka jooga Baraagaha Qol, ciidanka jooga Fiqi-fuliye dhammaan ciidamadaasi waxaa ay ka tirsan yihiin qaybta saddexaad ee ciidanka Qaranka Somaliland, waana ciidan amaanan sharafkooda iyo karaamadoodii leh, anaguna waxaa aanu idin leeyahay Alle heydin barakeeyo hawsha aad Qaranka u heysana waanu og nahay”

Taliyaha qaybta saddexaad ee ciidanka Qaranka gaashaanle sare Faysal Cabdi Bootaan sidoo kale waxaa uu fariin u diray taliyayaasha ciidamada maamulka Puntland waxaanu yidhi “Hadalada soo duulduulaya baryahan danbe ee aanu maq-maqleynay ciidamadii Sanaag Bari joogay waa ay aag badasheen kamay bixin guutooyinkii sidii ayay u shaqeynayaan way fiican yihiin, waa kuwa jooga waakaasi xero walba Calankii ka babanayo, waxaan cid walba ogeysiinaya waxaa hadalada meelahaasi ka soo duulduula ay yihiin oo aan maqlayay saraakiil iska daba had-hadashay oo argagixiso iyo Shabaab iyo wax ka sheekayneysa, horta Shabaab hadii la sheego waxaa ay joogta Gal-gala iyo Af-urrur ayay joogta meelaha meelahaasina Somaliland kama tirsana ee Puntland ayay ka tirsan yihiin, anaga Somaliland gudaheedana ma joogto waxaan idiin sheegaya anagu cidna dhib uuma heyno ee in nabadgeliyo iyo daris wanaag lagu wada noolaado, darisnimo wanaaga ayaa ina dhaqa, mandaqadaasi waa mid nabadgeliyo dadka Sanaag Bari jooga, Badhan, Hadaaftimo, Ceel Buur, Dhahar, Xiingallool, Damala Xagare, Carmaale, dadkaasi waa dad nabadgeliyo waa dad soo jireena waa reero balaadhan waa dad hufnaan iyo nabad looga bartay hadii aa qoladiina ka imaneysa Boosaaso iyo Garoow aad fidnada kala bixi weydaan anagu xuduudahayaga waanu sugeyna waananu xidhaneynaa”

Sidoo kale waxaa uu fadhiisimaddii taliyuhu booqday uu warbixino kaga dhageystay taliyayaasha boqol iyo lix iyo toban iyo guutadda 93-naad ee fadhigoodu yahay Carmaale iyo Ceel Buux waxaaney yidhaaheen “Ciidanka Qaranka hurintii taliskii labaadba degan anaa taliyihii urrurka ah, taliyihii hurintuna waa kan Somalilander-baanu nahay si xun wax u sheeg ayaa wax ka sheekeeya ee ciidankani waa Somaliland, xuquuqda aanu ku leenahay ayaanu ka hella mid ka badan ayaanu ka sugeynaa waana waajib, waanu joogeyna halkan waxaananu ku joogeyna dhimasho, hadii aanu nolol ku joogi weyno dhimasho ayaanu ku joogeynaa oo Somalilander ah, dadba waxaa ay yidhaahaan guutadii 116aad waa tagtay taliye indhahaaga ayaad ku aragta waaney joogtaa, shaqsiyaad daneystay ayaa tagay ciidankiina waad aragta sida uu uu joogo sida uu u shaqeynayo”

 

Leave a Reply