99 Lamaane Oo Aroos Wadareed u Dhacay Sept. 9

0
735

Maalintii Isniinta ee bishan September 9ka ahayd waxa xafladdii arooskooda halmar lagu wada qabtay macbadka dalka Malaysiya ee ay leeyihiin dadka ka soo jeeda qoomiyadda Shiinaha  99 lamaane oo is guursaday.

Munaasabadda Aroosyadan ee macbadka lagu magacaabo “Thean Hou” ee ku yaalla magaalada Kuala Lumpur ka dhacday , waa mid sanadle ah, sanad kasta dadka raba inay is guursadaan ee dhaqanka buudiiska aaminsan ay ku beegan maalinta bishu tahay 9, iyadoo bishuna ah bishii sagaalaad ee sanadka.

Tirada  Nambarka sagaalaad ayaa Shiinaha aad loo tixgeliyaa iyadoo loo aaminsan yahay mid barakaysan, tirada sagaal ayaa u dhowaaq eeg  erayga “ Waarid ama Cimri dheer”, waxaana ay rumaysan yihiin in aroosyada maalintaasi dhacaa ay noqonayaan kuwo cimri dheer.

 

Lamaanaha raga ah ayaa badankood xidhnaa suudhka madow iyago hablaha arooska ahina ay  xidhnaayeen toobka cad, waxase jirtay in qaar badani ay door bideen inay xidhaan dhar casaan.

Midabka casaanka ayaa isagana dhaqanka Shiinaha loo haystaa inuu nasiib iyo farxad xabaarsan, Bulshada Buudiska ee dalkaasi ku nool ayaa 23%, iyadoo tirada dadka dalkaasin ay gaadhay 32 milyan.

Leave a Reply