Dardaaranka Iyo Xikamadaha

0
735
  • Ha Xumayn qof ku jecel, hana ku odhan qof ku baahan waxaan ahay mashquul. Ha khiyaamayn qof ku Hana ilaabin qof  ku xusuusan wakhtiga intiisa badan.
  • Caqliga dadku waa saddex nooc , caqliyada waaweyni waxay ka hadlaan fikradaha iyo hal abuurka, Kuwo dhexena waxay ka faaqidaan arrimaha, laakiin caqliyada yaryari waxay faaleeyaan dadka, waana ay dhaleeceeyaan, weligoodana ma sheegaan wanaagooda.
  • Nin xakiim ah ayaa la weydiiyay imisa sano ayaad Jirtay ? Waxaana uu ku jawaabay Caafimaadkaygu wuu wanaagsan yahay. Mar labaad ayaa la weydiiyay “ Maxaad hanti haysataa “? Waxaana uu ku jawaabay ma jirto wax dayn ah oo la igu leeyahay. Haddana mar kale ayaa la weydiiyay “ Ma leedahay cadow “? . Waxaana uu ku jawaabay  “ Anigu waxaan degenahay oo gurigaygu ku yaalla meel ka fog ehelkayga iyo qaraabadayda”.
  • Nin indha la’ ayaan habeen u baxay in webiga biyo ka soo cabo, waxaana uu qaatay Faynuusa shidan. Dadkii ayaa weydiiyay maxaad ku falaysaa Faynuuska , ma waxbaad ku arkaysaa? Waxaana uu ku jawaabay , waxaan u qaatay si dadka indhaha qabaa ay ii arkaan.

Leave a Reply