Beenta Ayaa Niyad Jabka Abuurta!

0
785

Yuri Alexandrovich Bezmenov waxa uu ku dhashay 1939 magaalada Mytichchi ee dalka Ruushka. Markii uu ahaa 17 sano ayuu waxbarasho u galay mac-hadka luqadaha ee Institute of Oriental oo ka tirsanaa Jaamacadda dawladda ee Mosco, oo ay toos u maamuli jireen hay’adda sirdoonka ee KGB.

Luqadaha ka sakow waxa kale oo uu ka bartay taariikhada iyo dhaqamada, Madaama ay khasab ku ahayd ardayda Ruushka inuu qaato tababar ciidan,  Si fiican ayuu wakhtigaasi uga faa’iidaystay waxaana uu bartay maadada  “ Xeeladaha dagaalka” iyo maado kale oo ah “habka maxaabiista dagaalka su’aalo loo weydiiyo”.

Sanadkii 1965 ayaa KGB ay shaqaalaysay, waxaana uu madax u ahaa waaxda cilmi baadhista iyo la dagaalanka dacaayadaha.

Inkasta Mr. Yuri uu dalacaado badan ka helay KGB haddana wuxu iskaga baxsaday 1970,  isagoo iska dhiibay safaaradda Maraykanku ku lahaa Giriigga.

Yuri Bezmenove waxa uu noqday raga ugu caansan mawduuca “Ideological subversion” ama buburinta maanka ama fikirka” waxaana uu qoray buug lagu magacaabo khiyaamadu waxay  ahayd shaqadaydii, waxaana uu kaga waramaya sida dawladaha loo baabiiyo iyadoo aan dagaal lagu qaadin,taasi oo ah in akhlaaqda iyo dhaqanka bulshadaasi lagu burburiyo ugu badnaan 20 sano oo ah inta hal fac ka korayo ah kuwaasi oo xambaaraya dhaqanka la gashaday ee burburinta ah. Waxa uu sheegay inay arimaha ugu fiicani ay yihiin in iyaga lagu niyad jebyo warar been ah oo ku sabaasan arimoohda.

Waxaana uu u cadeeyay inay nacasnimo tahay wakhtigan inaad dagaal ku qaado dal, adigoo si ka fudud u burburin kara iyagoon kuu arkayn inaad cadow u tahay oo saaxiibkood ka dhiganaya

 

Leave a Reply