Tuugga Kalsooni Malaha!

0
590

Nin gancsade  maalqabeen ah oo aad u caqli badnaa ayaa shaqalihiisa mid ka mid uu noqday tuug. Taajirka ayaa isugu yeedhay shaqaalaha maalin waxaana uu u sheegay in si tuuga loo cadeeyo uu mid kastaa oo shaqaalaha ka  mid ahi xadhig  uu siinayo isla markaana uu beri keeni doono.  Waxaana uu u sheegay in qofka tuuga xadhigiisu maalnta berri uu ka dheeraan doono intii uu ahaan jiray hal taako.

Subixii markii la isu yimi dhamaan shaqaaluhu xadhigi  way wada keeneen iyagoo caadi ah, laakiin ninkii tuuga ahaa xadhigiisa wuxu ka soo jaray hal taako isagoo doonaya in dheeraadka uu sheegay Taajirku ka maqnaado.    Markii ganacsaduhu qiyaasay xadhkihii ee uu arkay inuu soo gaabayay ayuu shaqaalihii ku yidhi, “ waxaan ujeeday shalay in xadhiga tuugu gaabanyo hal taako”.  Tuugu weligii si fudud ayaa loo qabtaa.

Leave a Reply