Madaxweynaha Somaliland oo ka Qayb Galay Dufcaddii 18aad ee ka Qalin Jebiyay Jaamacadda Cammuud

0
473

“Si aynnu horumar u samayno aqoon yahanka cusub ee aad ka midka tihiin iyo kuwii hore-ba waa in aynu ku fikirnaa sidee baynu khilaafaadka u yaraynaa?”

 

“Waxaan maalmahan farxada la wadaagi doonaa arday badan oo jaamacado ka qalin jebinaya waxaanan Kow ka dhigay Jaamacada Cammuud”

 

 

Boorama (Dawan)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa shalay ka qayb galay munaasibad ballaadhan oo loo qabtay 974 arday oo ka qalin jebiyay jaamacadda Cammuud, munaasibad lagu qabtay xarunta jaamaadda ee magaaladda Boorama.

Munaasibadda qalin jebinta 974-ka arday oo noqonaysa dufcaddii 18aad ee ka qalin-jebisa jaamacadda Cammuud waxa ka qaybgalay madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin.

Hormoodka Jaamacadda Cammuud Prof. Saleebaan Axmed Guuleed, xubno ka mid ah golaha wasiirrada, siyaasiyiin, hal-door, aqoonyahan, madax-dhaqameed, waalidiinta ardayda qalin jebisay iyo marti sharaf kale.

Waxaana madasha laga jeediyay hadallo lagu bogaadinayo da’yarta waxbaratay iyo dedaalka ay u galeen horumarinta naftooda.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa hambalyo iyo bagaadin u diray ardayda qalin jebisay, isagoo si gaar ah u bogaadiyay hormuudka gacanta ku haya jaamacadda Camuud oo uu ku tilmaamay aqoonyahan soo saaray da’yar maanfuran oo aqoon tayo leh lagu canqariyay.

Muuse Biixi Cabdi, waxa uu muujiyay sida uu mar walba muhiimadda u siiyo jaamacadda Cammuud, isagoo xusay inuu safka hore ka geliyay jaamacadaha uu farxadda qalin jebinta la qaybsanayo. Waxaanu yidhi “Waxaan maalmahan farxadda la wadaagi doonaa arday badan oo jaamacado ka qalin jebinaya, waxaanan Kow ka dhigay oo ugu horraysa Jaamacadda Cammuud. Waayo? waxaan ka tirsanahay bahda Cammuud”.

Madaxweynuhu waxa uu aqoon yahanka qalin jebiyay ka codsaday inay cilmi-baadhis qoto dheer ku sameeyaan sidii xal loogu heli lahaa mushkiladaha bulshadda dhexdeeda ka jira. Waxaanu yidhi “Si aynnu horumar u samaynno aqoon yahanka cusub ee aad ka midka tihiin iyo kuwii hore-ba waa in aynu ku fikirnaa sidee baynnu khilaafaadka u yaraynaa? Sidee baa dadkeennu isu aaminaa? Sidee baa dadku wuu isku dhacayaaye marka uu is khilaafo loo daaweeyaa?” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Hormuudka Jaamacadda Cammuud Prof. Saleebaan Axmed Guuleed, oo ugu horrayn munaasibadda hadal ka jeediyey ayaa ku dheeraaday marxaladihii kala duwanaa ee ay jaamacaddu soo martay, guulaha ay gaadhay iyo dedaalkii ay ardaydani ugu dhabar-adaygeen inay ka midho dhaliyaan hammigii ay lahaayeen. Waxaanu ku dhiirrigeliyay inay bulshadda ugu faa’iideeyaan cilmiga ay barteen.

Sheekh Maxamed Aadan, oo afka waalidiinta ku hadlay ayaa isna ku bogaadiyay ardayda qalin jebisay dedaalka ay sameeyeen. Waxaanu ka codsaday inay ku soo celiyaan abaalkii ay waalidiinta iyo macallimiintuba geliyeen muddadii ay waxbarashada ku jireen.

Wasiirka wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland Cismaan Jaamac Aadan, ayaa isna dhinaciisa soo dhaweeyay da’yarta cusub ee jaamacadda Camuud ka qalin jebisay. Waxaanu tilmaamay inay xukuumad ahaan dedaal badan geliyeen sidii dalku u heli lahaa aqoon yahanno diyaar u ah inay dadkooda u shaqeeyaan.

Madaxweynihii saddexaad ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin, oo munaasibadda ka hadlay ayaa bogaadiyay ardayda shalay qalin jebisay.

Waxaanu xasuusiyay midhaha laga filayo iyo baylahda badan ee hortooda taalla, isaga oo kula dardaarmay inay horumarkooda ka shaqeeyaan.

Ugu dambayntii madaxweyne Muuse Biixi, ayaa shahaadooyin guddoonsiiyay ardaydii kaalmaha hore ka gashay ardayda qalin jebisay oo hormuud ka ahaa kulliyadaha ay ka baxeen.

Dhinaca kale madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa isla shalay kormeer ku tegay Buunddada isku xidha jaamacadda Cammuud iyo magaaladda Boorama oo dhismaheedu in muddo ah socday, isla markaana hore madaxweynuhu u dhagax-dhigay.

Maareeyaha hay’adda horumarinta waddooyinka Somaliland Axmed Yuusuf Maxamed, ayaa madaxweynaha uga warbixiyay halka ay marayso Buunddadu. Waxaanu tilmaamay inay ku han-weyn yihiin inay dhawaan dhammaato.

Madaxweynaha ayaa maareeyaha iyo hawl-wadeennada kale ee hay’adda horumarinta waddooyinka ku bogaadiyay horumarka ay ka sameeyeen dhismaha buunddada. Waxaanu ku dhiirri geliyay inay xil iska saaraan dhammaystirkeeda.

Buuntada isku xidha Jaamacadda Cammuud iyo magaalada Boorama, ayaa halbawle u ah isu socodka jaamacadda iyo magaaladda, waxaanu madaxweynuhu isagoo dareensan muhiimadda waddadan uu ballan ku qaaday dhismaha iyo hirgelinta Buundadaas muhiimka ah.

 

 

 

 

 

Leave a Reply