Kalfadhigii 70aad ee Golaha Guurtida oo Maanta Furmi Doona

0
478

Qore Khadar M. Dhako

Hargaysa (Dawan)- Xoghayaha guud ee Golaha Guurtida Somaliland Cabdinaasir Aadan Beegsi ayaa ku wargaliyay Mudanayaasha Golaha Guurtida in Maalinta sabgtida ah uu furmi doono kalfadhigii 70aad ee Golahaasi.

Xoghayaha Golaha Guurtida Somaliland Cabdinaasir Aadan Beegsi oo shalay u waramayay Warbaahinta qaranka ayaa waxa uu sheegay in lagaga hadli doono Kalfadhiga 70aad ee Golaha Guurtida xeerar muhiima oo hor yaala Golaha Guurtida waxaana uu intaasi ku daray in kalfadhigan lagu darsi doono arimo khuseeya xaalada guud ee dalka iyo arimo qaranka u muhiima.

Cabdinaasir Aadan Beegsi waxa uu ku adkeeyay Mudanayaasha Golaha Guurtida in ay ilaaliyaan wakhtiga uu furmi doono Golaha Guurtida ee Subaxnimada Sabtida oo maanta ah, is la markaana ay golaha iska soo xaadiriyaan Mudanayaasha Golaha Guurtida ee ku sugan dalka gudi hiisa.

 

 

 

Leave a Reply