Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha oo Jawaab Adag Ka Bixiyay Hadalo Ka Soo Yeedhay Afheenka Xisbiga Waddani

0
553

Qore Khadar M. Dhako

Hargaysa (Dawan)- Wasiirka Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland Boos Mire Maxamed ayaa si adag uga jawaabay dhaliilo uu Xukuumadda u soo jeediyay Afhayeenka Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Barkhad Jaamac Batuun.

Boos Mire Maxamed ayaa waxa uu sheegay in caadada Xisbiyada mucaaradku ay tahay wax baanu qaban doonaa iyo sidan ayaanu noqon doonaa, balse aanay soo bandhigin qorshayaal cad cad oo ay ummada ku tusayaan sida ay wax u qabanayaan iyo halka ay wax ka qabanayaan.

Boos Mire Maxamed oo ka jawaabayay hadaladaas ka soo yeedhay Barkhad Jaamac Batuun.waxa uu yidhi “Waa caadada mucaaradka sidan ayaanu noqonaynaa iyo sidan ayaanu noqonaynaa iyo waxaas ayaanu qaban doonaa, taa waxa ka dhaw goormaad iman doontaa, mucaaradnimadu noocaas maaha ee markaa dawlada joogta waa in lala shaqeeyo, halka uu doonayo in uu yimaado hadii uu mucaaradyahay waa halka aanu anagu imika joogno ayuu ku socdaa Mucaaradku waa in uu sii hagaajiyaa inta uu maqanyahay”.

Sidoo kale Wasiirku waxa uu sheegay in aanay ku ogayn Xukuumadda Wasiir aan waxna qorin waxna akhriyin. waxaana uu yidhi “Waxa uu lahaa Barkhad anagu keeni maynmo Wasiir aan waxna qorin waxna akhriyin, Wasiir aan waxbana qorin waxbana akhriyin kuma ogin Xukuumadda waxa aanu ku ognahay in ay yihiin wada Jaamaciyiin oo rag PHD ka wada buuxaan Xukuumadda”.

Leave a Reply