Laascaanood: Kulan Lagaga WadaHadlayay Illaalinta Duur joogta iyo Kaymaha

0
558

Laascaanood(Dawan):- Kulan ballaadhan oo ay ka qayb galeen madaxda laamaha kala duwan ee Heer gobol’degmo iyo ciidan oo lagu qabtay xarunta gobolka Sool ee Laascaanood,ayaa lagaga wada hadlay.

Kulankan oo ay ka qayb galeen Guddoomiyaha gobolka Sool Cabdiqani Maxamuud Jiidhe,Maayerka degmada Lascaanood,Taliyaha aagga Bari ee Ciidanka qaranka Sarreeye Guuto Cali Barre Xuseen iyo isuduwaha wasaaradda deegaanka ee gobolka Sool,ayaa lagaga wada hadlay sidii  loo illaalin lahaa duur joogta iyo deegaankaba isla markaana cid kasta oo lagu arko wax ka dhan ah deegaanka iyo duur joogta in tallaabo laga qaado.

Waxaa kale oo la iskula qaatay in bulshada lagu wacyi geliyo in ay illaashadaan deegaanka iyo duur joogta. isla markaana meel looga soo wada jeedsan lahaa daryeelka kaymaha iyo ka hortagga gumaadka dhirta.

Haddaba warkaas oo faah faahsan halkan hoose ka daawo.

Dawan news

 

Leave a Reply