Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland oo Gaadiid Ciidan kala Wareegay Dawladda Hoose ee Berbera

0
811

Qore Khadar M .Xaashi

Berbera (Dawan) Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland mudane Maxamed Kaahin Axmed ayaa dawladda hoose ee degmadda Berbera kala wareegay shan gaadhi oo ay ugu talagaleen ciidanka booliska, kuwaas oo ah nooca loo yaqaano Qabaalo ama (Hard-Top-ka).

Sidoo kale wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha mudane Maxamed Kaahin Axmed iyo maamulka gobolka iyo ka degmadda Berbera, ayaa si wada jir ah ay xadhiga uga wada jaray afar mashruuc oo ka mid ahaa qorshe sannadeedkii 2019 u fulay, dawladda hoose ee degmadda Berbera, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen Waddada xaafada magaalo cad, wadada ganacsatada taas oo dhanka galbeed ka xigta magaalada, dhismaha iyo saldhiga ciidanka Birmaddka loogu talo galay.

Xoghayaha dawladda hoose ee degmada Berbera Cabdikariim Aadan Siciid oo ugu horrayn goobtaa ka hadlay ayaa yidhi “Wareejinta shan gaadhi oo ah gaadiidkii 2015 dawladda hoose ku jiray ahna gaadiid u adeegi doona umadda, islamarkaana ay boolisku leeyihiin waa shantaa gaadhi ee Qabaalada ah ee waaweyn ee xageena danbe yaala oo aanu maanta (shalay) ku wareejinayno wasiirka arrimaha gudaha.”

Duqa degmadda Berbera mudane Cabdishakuur Maxamuud Ciddin ayaa faahfaahin ka bixiyay qadarka lacageed ee ku baxday mashaariicda kala duwan ee xadhiga laga jaray.“Waxaan badhasaabka ku wareejin doonaa furayaasha shan gaadhi waxaa uu isna ku wareejin doona jananka Wadadani way ka hawl badan tahay waaney ka kharash badan tahay annagu waxaa aanu galeyno, waxaana wadadan ku baxay afar iyo toban kun iyo sideed boqol oo dollar, wadadan waanu balaadhiney oo kuwii Booyaddaha ayaa maraya, iskarogooyinkii ayaa maraya nooc kasta oo gaadiidka ahi waa uu marayaa, kharashka ku baxayna boqolkiiba konton waxaa bixisay degmadda Berbera inta hadhayna waxaa bixiyay ganacsatada iyo bulshada”

Taliye ku xigeenka ciidanka Booliska Somaliland sarreeye guuto Cabdiraxmaan Liibaan Fooxle ayaa ka markhaati kacay in aanu gaadiidkani aheyn kii ugu horreeyay ee uu ku wareejiyo duqa degmadda Berbera waxaanu yidhi “Gaadiidkani maaha kii ugu horreeyay ee uu keeno, ee gaadiid hore oo Land Cruseir ah oo laba ah iyo dhawr Xaajiyadood iyo baabuur badan oo uu iibiyay oo qaybta ka hawl galayay ayaa jiray ka hor intaanu shantan geyn, waana nin ciidanka inta badan la socda dhismihiisa iyo noloshiisa waa nin ciidankiisa gacan siiya, waana Duqa kaliya ee ciidanka ku soo kordhiyay gaadiid iyo waxqabadba”

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland mudane Maxamed Kaahin Axmed oo gababadii hadal kooban ka jeediyay ayaa sheegay in qaar ka mid ah degmooyinka hoos yimaada degmadda Berbera ay u qorsheyn doonaan gaadiidkan in ay ka hawl-galaan waxanau yidhi “Waan ku ammaanaya golaha deegaanka ee miisaaniyadoodii sanadkan ku daray gaadiidka imika halkan yaalla, waxaaynu u qorsheyneynaa ama degmooyinka ha noqoto, halkan oo aanu dooneyno in aanu ka aasaasno xero iyo ciidan Birmadka Bileysku leeyahay.”

Wasiir Kaahin oo hadalkiisa sii wata,ayaa intaa raaciyay“aad iyo aad ayaan ugu hanbalyeynaya marka ugu horeysa horumarka degmadda Berberi ay sameysay guddoomiyaha degmada, duqa degmada, iyo maamulka uu madaxda ka yahay aad ayaanu idiinku hambalyeynayaa horumarkaad gaadheen, sideedaba waddooyinku waa kaabaha dhaqaale ee ugu muhiimsan dhanka dhaqaalaha, mar labaadka waxaa aynu dooneyna in magaalooyinkeenu yeeshaan bilicdii iyo quruxdii la doonayay waa lagama maarmaan, bilicdana waxaa ugu horreysa ee ishu qabaneysa waa Waddooyinka 70-nadii iyo 80-nadii Berbera waa laga guuray sababtoo ah dawladdii Soomaaliya ee markaasi dhisneyd ayaa Berbera ka guurtay oo Berbera cunaqabateysay, oo Berbera horumarka u diiday waxooga lacaga ayaa ka soo bixi jirtay intubana Xamar ayay tagi jirtay, waana taariikh la wada garanayo.”ayuu yidhi wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland mudane Maxamed Kaahin Axmed.

Leave a Reply