Dadka Dhinac Keliyaata U Seexda Iyo Kuwa Beerka U Seexda Oo Looga Digay.

0
1572

Dr Valery Sadovoy oo ah dhakhtar aqoon dheer u leh  xanuunada Beerka , kana hawlgala dhakhtaradda gobolka Crimea ee dalka Ruushka ayaa ka digay hurdada loo seexo Beerka iyo Dhinac keliyaata , iyada oo aan labada dhinac laysu rog rogayn xiliga hurdada uu qofku ku jiro.

Waxa uu dhakhtarkani sheegay in qofka oo beerka u seexda ay waxyeelo kasoo gaadhayso Gudaha hoose ee Caloosha iyo uur ku jirta, isaga oo cadaadis ka dareemaaya gudaha caloosha, waxa kale oo uu Dhakhtarkani sheegay in  Xanguleyaasha iyo sidoo kalena xididada Maskaxda ku xidhmaa  ay waxyeelo weyni soo gaadho haddii uu qofku u seexdo dhinac keliyaata xiliga uu hurdo.

Qoraal kooban oo uu Dr Valery ku qoray wakaaladda wararka ee Tasso o uu qormadan kasoo xigtay wargeyska Dawan ayuu kula taliyey dadka in aanay dhinac keliyaata u seexan ee ay noqdaan kuwo nasiyada dhinaca ay u hurdaan, waxa kale oo uu ku tilmaamay in hadba dhinaca uu qofku u seexdaa in ay saamayn ku lee dahay caafimaadkiisa.

“ hurdada iyo dhinaca loo seexdaa waxa ay  saamayn weyn ku lee dahay caafimaadka Wadnaha, waayo waxa jira caabi  faro badan oo qofka kaga yimaada gudaha calooshiisa marka uu beerka u seexdo,waxaanu qofku noqdaa mid dareema xiliyada qaar yalaalugo  aanu mantagayn, waxaanay sababi kartaa in uu la kulmo xanuuno aan hadhow waxba laga qabin Karin, qaarkoodna uu qaliin u geli karo”. Ayuu yidhi Dr Sadovoy.

Waxa kale oo uu ka hadlay Dr Sadovoy hurdada maalintii la seexdo, waxaanu sheegay  in ay u wanaagsan tahay hurdadaasi  wadnaha iyo xididada dhiiga,iyada oo siisa jidhkana nasasho, waxaanu ku taliyey in la seexdo maalintii ilaa 8 saacadood.

 

 

 

 

Leave a Reply