Shirkadda Gawaadhida Ee BMW Oo Soo Saartay Gaadiid Cusub .

0
679

Shirkadda BMW oo doonaysa in ay xaqiijiso hadafkeeda dhinaca horumarka gawaadhida kala duwan iyo gaadhitaanka meelaha ay hiigsanayso ayaa bilawday in ay farsamayso fartana ka qaado gaadiid cusub oo ay muddooyinkii ugu dambeeyey gacanta ku hayeen khubarrada shirkadaasi gaadiidka usoo saartaa.

Dabaaldegeedii  ay u samaysay 100 sanno guuradii kasoo wareegtay markii shirkadaasi la aas aasay sannadkii 2017 kii ayay kusoo bandhigtay istiraatijiyad cusub oo ay sheegeen khubarrada shirkaddani in ay raaci doonaan sannadaha soo socda, iyada oo sannadkii 2016-kiina samaysay shirkad balaadhan oo lagu magacaabo BMW Group.

Khubarrada shirkadda ayaa bilaabay fulinta istiraatijiyada shirkaddaasi ee Mustaqbalka , iyaga oo  keenay maabka ama habka ay u ekaan doonaan gawaadhida ay shirkadda BMW soo saari doonto mustaqbalka, Fiji next 100 ,kaas oo qaabkiisa muqaal aad uga duwan yahay qaababkii hore gawaadhida loogu samayn jiray ,sidoo kalena nidaamkiisuna yahay mid isagu is  wada .

Sidoo kale waxa ay khubarrada shirkadda BMW ku dhawaaqeen gaadhi cusub oo suuqa soo geli doona sannadka 2021-ka, kaas oo lagu magacaabo BMW Biggin I Next,waa gaadhi ay u dhamaystiran yihiin waxyaalo badan, sida in uu si iskii ah isku wadi karo ,sidoo kalena kuraastiisa lagu maamuli karo faraha ,iyada oo la taataabanaayo ,iyada oo dadka rakaabka ahi ay maamuli karaan meelo badan oo gaadhiga kamid ah.

Sida ay ku dhawaaqday shirkaddu waqti hore ,gaadhiga ugu yar ayaa noqon doona gaadhiga lagu magacaabo Eye Vision Dynamics ,kaas oo mataan la ah Mootada VG Next 100 oo iyaduna ah mooto iskeed isu wadi karta.

Shirkaddan Jarmalka ah ayaa ku dhawaaqday in ay dhamays tirayso sil silad gawaadhi ah oo ay gacanta ku hayso intooda badan ,qaarkoodna ay dhamaysay oo tijaabo maraaya, waxa ay hadda gacanta ka qaaday gaadhi cusub oo lagu magacaabo Vision M Next.

Xiligan oo caalamka oo dhan laga sheekaynaayo gaadiidka Iskood isu wada oo ay shirkadduhu ku tartamayaan, waxa ay shirkadda BMW soo saartay gaadhi qofku kala dooran karo in uu isagu gaadhiga wado iyo in uu iskii isu wadi karo, waana gaadhigan cusub ee Vision M Next,waa gaadhi hab cusub oo casri ah loo sameeyye, waana gadhi lagu ogaan karo darawalka xirfadiisa oo laga garan karo habkiisa kaxayneed ee gaadhiga,sida ay khubarrada shirkaddu sheegeen.

Gaadhigan Vision M Next ayaa xaga daakhadaha laga koraayo kala mid ah gaadhiga kale ee IM BMW , isaga oo kaga duwan oo keliyaata habkiisa samays oo ah mid ka qurux badan gaadiidka kale ama gawaadhida kale, waxa kale oo uu kaga duwan yahay xawaaraha socod ee gaadhigan oo ah mid aad u sareeya, midabka ayaa iyaguna ah kuwo soo jiidasho leh, isaga oo ka samaysan saddex midab oo ah Madow , Casaan iyo Sibidhi.

Leave a Reply