Khubarrada Caafimaadka Adduunka Oo Ka Digtay Xanuun Durayga Oo Kale Ah Oo Caalamka Kusoo Soo Kordhay.

0
605

Khubarrada caafimaadka adduunka ayaa digniino kala duwan kasoo saaray xanuun ay sheegeen in uu lee yahay astaamaha Hargabka ama Durayga , kaas oo caalamka si xawli ah ugu fidaaya muddooyinkii ugu dambeeyey, waxaanay khubarradani sheegeen in uu 36 saacadoodba dili karo 80 Milyan oo qof oo daafaha dunnida kala jooga.

Xanuunkan ayay sheegeen in uu lamid yahay Hargabkii loo bixiyey Spanish Influenza , kaas oo qarniyo ka hor caalamka ku dilay  saddex meeloodow meel dadka caalamka, waxaanay dadka waqtigaas dhintay ku sheegeen tiradooda 50 Milyan oo qof, sida ay ku sheegeen qoraal kooban oo ay ku daabaceen wargeyska Global Preparedness Monitoring Board (GPMB) oo ah gole lagaga hadlo inta badan caafimaadka adduunka oo ay isugu yimaadaan khubarrada Caafimaadka ee adduunka, kuwaas oo uu hogaan u yahay madaxweynihii hore ee Hay’adda WHO.

Warbixintan oo lagu daabacay wargeyska Daly Mail oo uu qormadan kasoo xigtay wargeyska Dawan ayaa lagu sheegay in xanuunkani khatar badan ku hayo dadka u kala socdaalaaya caalamka , isaga oo sidoo kalena saamayn kara dalalka ay dadka xanuunkan sidaa tegayaan ama tagaan.

Warbixintan oo ay ugu magac dareen World  at Risk  ama Caalamka Khatarta ku jira  ayay ku sheegeen in waqtigan loo baahan yahay in laga  diyaar garoobo  xanuunkaasi, lana diyaariyo waxyaalihii lagaga hortegi lahaa, si aanu u noqon mid lagu baraarugo sida xanuunka EBOLA oo kale.

Ururka waxa hogaamiya Dr Gro Harlem Brundtland  oo ah wasiirkii hore ee caafimaadka dalka Norway , sidoo kalena ahaa madaxweynihii hore ee hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO, waxaana xubno ka ah ururo Caafimaadka ka shaqeeya oo ay kamid yihiin International Federation of Red Cross iyo Red Crescent Societies .

 

Leave a Reply