East African Business Week: Shir Somaliland ku Qabanayso Nairobi iyo labada Dal oo Shaaciyey Inay iska Kaashanayaan Shiidaalka iyo Nabadgelyadda

0
407

Nairobi(Dawan)-Jamhuuriyadda Somaliland ayaa Bisha November ee sannadkan magaalada Nairobi ee dalka Kenya  ku qabanaysa Shir ku wajahan Tamarta iyo Kaabeyaasha dhaqaalaha .

Sidaasna waxa xaqiijiyey Safiirka Somaliland u fadhiya Dalka Kenya  Danjire Baashe Cawil Xaaji Cumar oo u warramay Wargeyska ka soo baxa Uganda ee East African Business Week  oo ay soo xigatay Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA.

Wargeyska East African Business Week, wuxuu shirkaasi ku tilmaamay inuu qayb ka yahay qorshaha muddada dheer ee Somaliland ku doonayso inay maalgashadeyaasha  Kenya ku guubaabiso   sidii ay dhaqaale u gashan lahaayeen Tamarta Somaliland oo ah waddan qani ku ah macdanta oo u heellan maalgashiga caalamiga ah.

Safiirka Somaliland u fadhiya Kenya Baashe Cawil Xaaji Cumar ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray ku caddeeyey  in ujeeddada shirka Somaliland ku qabanayso Nairobi la xidhiidho  sidii xog ballaadhan looga bixin lahaa mashaariicda ku wajahan kaabeyaasha dhaqaalaha ee hadda ka socda dalka iyo sidii loo abuuri  lahaa mashaariic kala duwan oo saameyn weyn oo dhinaca horumarka ah ku yeesha Somaliland.

Shirkan ayaa ku soo beegmay maalmo ka dib, markii  Wakiilka Somaliland uu la kulmay Wasiirka Macdanta iyo Baatroolka Kenya Mr. John Munyes oo kulankooda kaga wada hadlay sidii labada dal ay  iskaga kaashan lahaayeen dhinaca Tamarta.

Waxa kaloo dawladaha Somaliland iyo Kenya ay isla soo qaadeen sidii ay wadajir uga wada shaqeyn lahaayeen dhinaca dhaqaalaha gaar ahaan  wax soo saarka Shiidaalka iyo dhoofintiisa. Sidoo kale waxay labada masuul ka wada hadleen arrimo  ku saabsan ammaanka mandaqadda.

 

“Waxaan ku faraxsan nahay in dhawaan Kenya ay ku tallaabsatay arrin taariikhi ah oo ay ku biirtay ururka dalalka shiidaalka soo saara, sidaas darteed, waxaan ku faraxsannahay inaan xafiiskiisa kula kulmay Wasiirka Macdanta iyo Shiidaalka Kenya  John Munyes oo hoggaaminayey guushaas weyn ee dalkiisu gaadhay,”ayuu yidhi Danjire Baashe Cawil.

Baashe Cawil wuxuu sheegay inuu Wasiirka Macdanta iyo Shiidaalka Kenya tafaasiil ka siiyey in Jamhuuriyadda Somaliland  ay dhowaan dhammaystirtay  sahamintii dhinaca shiidaalka ee ugu ballaadhneyd Afrika, isla markaana ay danaynayaan in Somaliland iyo Kenya  si dhow iskaga kaashadaan arrimaha dhaqaalaha iyo ammaanka.

Somaliland waxay leedahay 24 aag oo shiidaal ku jiro, kuwaasi oo lix ka mid ah ay heshiisyo ula gashay saddex shirkadood oo caalamiya oo kala ah Genel Energy,Rak Gas iyo Ansen Gas

Leave a Reply