Wasiirka Warfaafinta Somaliland oo Heshiis Iskaashi La Saxeexday Wakaaladda Wararka Itoobiya

0
619

Faysal Xiis Afgaab

Addis-ababa(Dawan):-Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyi gelinta Somaliland Mudane Maxamed Muuse Diiriye oo socdaal shaqo ku jooga dalka Itoobiya ayaa Heshiis Is-afgarad oo la xidhiidha Iskaashiga Horumarinta Warbaahinta labada dal  ay  si rasmi ah u kala saxeexdeen dawladda Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dawladda Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Federalka Itoobiya.

 

Dhinaca Jamhuuriyadda Somaliland waxa heshiiska u saxeexay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta  Mudane Maxamed Muuse Diiriye, halka dhanka Itoobiyana uu u saxeexay  Dr.Naguse Natuko, Maareeyaha Guud ee Wakaaladda Warbaahinta Itoobiya.

 

Nuxurka heshiiska ayaa ku qotoma sidii layskaga kaashan lahaa xidhiidhka warbaahineed ee labada dal, kor-u-qaadidda aqoonta, xirfadda iyo tiknoolajiyadda  Raadyow Hargeysa iyo Telefishanka Qaranka, is-dhaafsiga wararka iyo macluumaadka labada dal iyo yagleelidda xidhiidh dhaqan oo labada dad iyo dal wada yeeshaan.

 

Munaasibadda saxeeexa heshiiska ayaa ka qabsoontay Xarunta dhexe ee Wakaaladda Warbaahinta Itoobiya.ee caasimadda dalka Itoobiya ee Addis-ababa taas oo ay goobjoog ka ahaayeen qaybaha kala duwan warbaahinta Dawladda Itoobiya

Leave a Reply