Guddoomiyaha Gobolka Sanaag oo Amar Faray Ciidamada Qaranka una Digay Gaadiidlayda

0
424

Qore Khadar M. Xaashi

Ceerigaabo (Dawan):- Guddoomiyaha gobolka Sanaag, Maxamed Axmed Caalin (Tiimbaro) ayaa amar adag faray dhammaan ciidamada qaranka eek u sugan deegaanka degmada Ceel Afweyn iyo guud ahaan gobolka Sanaag  isla markaana digniin adag u diray gaadiidlayda oo uu uga digay in ay soo qaadaan dad abaabula oo colaad hurin u socda ama gurmad dagaal ah.

Digniinta Guddoomiyaha ayaa ka dambaysay ka dib markii dagaal shan qof ay ku dhinteen uu dorraad ka dhacay dhul daaqsimeed hoos yimadda degmada Ceel Afweyn  kuna dhaawacmeen inta la ogyahay illaa sagaal qof.

Badhasaabka gobolka Sanaag ayaa dhinaca kale sheegay in tallaabo adag laga qaadi doono cid kasta oo colaadda labada beelood hurinteeda lagu ark oaf iyo addinba waxaanu bulshada uga digay halista uu leeyahay dhiigga qofka Muslimka ah oo la iska daadiyo.

 

 

Guddoomiye Tiimbaro oo arrimahaa ka hadlayaana waxaa uu yidhi “Meel Roob ka da’ay ayay reeruhu isugu yimaadeen dagaal ayaa ka dhacay, waxaana ku naf waayay shan qof, halka dhaawacana lagu sheegay sagaal ruux, wixii dhintay ILLAAHEY haw naxariisto wixii dhaawac ahna in ILLAAHEY u booga dhayo, naf ILLAAHEY doonayo inuu dillo cidina ma baajin karto innagu tallo ayaynu ku leenahay, ciidanka Qaranka ayaa u kala gurmadday, goob kastana imika ciidanka Qaranka ayaa taagaan”

Sidoo kale guddoomiye Tiimbaro waxaa uu ciidamada ku amray inay tallaabo adag oo dawladeed ka qaadaan cid kasta oo  loo arko inay dhaq-dhaqaaq colaadeed inay wadaan waxaanu yidhi “Waxaanu uga digeyna dadka in aan la arki Karin cid isu urrursaneysa in ay weerar qaadaan, waxaanu uga digeynaa gaadiidka inay dad meelaha isaga soo guraan, waxaaney ciidamaddu ku amran yihiin cidkasta oo loo arko inay dhaq-dhaqaaq colaadeed waddo, Af ama Addin kuu doonaba ha noqdee inay tallaabada  ku habboon in ay ka qaadi   doonaan , waar dadka wixii dhinta innagama go’aane ILLAAHEY ka yaaba, aarsi walaal ma noqdo  adiga ayuunbaa ku aakhiro seegaya .”

 

 

Leave a Reply