EURO News: Somaliland oo ku Taamaysa inay Marin u Noqoto Ganacsiga Caalamiga ah

0
476

Berbera(Dawan):-Shabakadda Telefishanka Euronews ayaa daabacday warbixin ay ka qortay casriyeynta Dekedda Berbera iyo qorshaha Jamhuuriyadda Somaliland ay ku doonayso inay ku kasbato maalgashiga caalamiga ah.

Warbixinta Euronews oo ay soo xigatay Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, ayaa lagu sheegay in Jamhuuriyadda Somaliland ay muddo 28 sannadood ah  ay madax-bannaanideeda kala soo noqotay Soomaaliya  ay qaddiyadeeda u halgamaysay iyadoo aan  helin maalgashi dibadeed, isla markaana kaabayaasheeda dhaqaaluhu ay hooseeyaan, hase ahaatee  mashruuca ballaadhinta Marsadda Berbera uu Somaliland ka dhigayo inay noqoto xuddunta  ay maraaan maraakiibta  Koontiinarada qaada ee u socda dalalka  Bariga dhexe iyo bariga Afrika.

Euronews wuxuu soo xigtay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane. Muuse Biixi Cabdi oo sheegay in dekedda Berbera ay noqon doonto marinka dalal badan oo Afrikaan ah ku xidhi doona Adduunka intiisa kale.

Waxa kaloo telefishanku xusay in ballaadhinta dekedda Berbera ay barbar socoto qorshaha lagu hirgelinayo aagga ka caagan cashuuraha iyo madaar cusub, kuwaasi oo kaalin weyn ka qaadan doona horumarka dhaqaale ee ay Somaliland beegsanayso.

Madaxa hawlfulinta  DP World u qaabilsan Dekedda Bebera Mr. Supachai Wattanaveerachai ayaa xaqiijiyey  in qorshaha shirkadoodu la xidhiidho sidii marsadda Berbera u noqon laheyd marin goboleedka ay isticmaasho Itoobiya oo suuqyo cusub u soo kordhinaya  shacabka reer Somaliland.

 

 

 

 

Leave a Reply