“Waa halkii Somaliland lagu soo Dhisay Gobalka Awdal Ugana Biqi Maayo in ay Somaliland Dumiyaan.” Siyaasi Mixille

0
446

Khadar.M.Dhako.

Hargaysa(Dawan):- Wasiiru  dawlihii hore ee Wasaarada   Arimaha dibedda Somaliland ahna  Guddoomiyaha   Jaamacada  Edna  Adan    Maxamed   Mixile  Boqore ayaa sheegay in aanu uga baqayn in  dadweynaha gobolka  Awdal in ay ku kacaan  falal lid ku ah  dalka.

Maxamed  Mixile  Boqore  oo shalay  u waramayay qaar ka mida  Warbaahinta  ayaa  sheegay   in gobolka Awdal uu yahay   halkii lagu soo dhisay,isla markaana  aan looga baran in ay wax yeeleeyaan  Qaranka   Somaliland.

Maxamed  Mixile  Boqore oo arrimahaa ka hadlayayna waxa uu yidhi“Reer   Awdal ugama baqayo  in ay  Somaliland  dumiyaan waayo? waa halkii lagu soo dhisay  Somaliland  Saami qaysiga kuraasta Golaha Wakiilada   reer Awdal waa ka simanyihiin    Madaxweynaha way ka ballameen,wixii la doonayo waa in nabedgalyo lagu doono mana aha bulshada   gobolka Awdal bulsho ku dheereysa colaadaha waana dad nabadeed  wax colaad keenaya loogama baran oo ay wax ku yeelaan  qaranka  Somaliland  wax kasta doonistoodu ha noqotee,”.

Maxamed  Mixile  Boqore  ayaa  waxa uu sheegay  in aanay qabiil ku salaysnan  dhalinyaro  magaalada  Boorama   xiliyada  habeenkii   koox koox isku weerara.

Leave a Reply