Ku-xigeenka Garyaqaanka Guud oo ka Hadlay Xeer-nidaamiyaha Wasaaradda Waxbarasha ee Lagu Maamulayo Dugsiyada Gaarka ah

0
565

Khadar.M.Dhako.

Hargaysa (Dawan):-Ku-xigeenka Garyaqaanka guud ee Somaliland Xuseen  Maxamed  Jaamac   Belal ayaa sheegay  in aanu ka hor imanayn  xeerka  Waxbarashada    Qaranka    Xeer Nidaamiyaha  Wasaarada   Waxbarashada ee lagu maamulayo dugsiyada gaarka   loo leeyahay.  .

Garyaqaan Xuseen  Belal ayaa intaa ku daray in Xeernidaamiyuhu uu  qeexayo sida loo diiwaangalinayo dugsiyada gaarka looleeyahay  iyo cashuurta ku waajibtay in ay bixiyaan.waxaanu  intaa ku daray in dawladdu masuul ka tahay dugsiyada gaarka.

Garyaqaan Xuseen oo arrimahaa ka hadlaysaana waxay tidhi. “Xeer  nidaamiyaha  Wasaarada   Waxbarashada kama hor imanayo  xeerkii waxbarashada qaranka qodobka 83 aad iyo qodobka    85aad   ee  xeernidaamiyaha   waxay sheegayaan sida loo diiwaangalinayo dugsiyada gaarka,waxaana lagu nidaamiyaa  xeernidaamiyaha Waxbarashada ee gaarka looleeyahay  Wasaarada  Waxbarashada   muraad gaara kama laha  Xeer   Nidaamiyaha    iyo Xeer Nidaamiyaha  ayay ka hor imanaysaa inta guri yar la kiraysto   in 50 arday wax loogu dhigo waa in galaaskii ay fadhiistaan illaa 40 illa 45 arday,”.

Maxamed  Jaamac  Balal oo hadalkiisa sii wata,ayaa yidhi“Waxa jira macalin  60 arday wax u dhigaya   dugsiyada gaarka looleeyahay markaa xeerka ayaa nidaaminaya   si khaldan ayaanay u fahamsanyihiin  xeernidaamiyaha dugsiyada gaarka loo leeyahay,hore ayaan   loo   kaantaroolin Dugsiyada  gaarka    is-diwaangali  ayaa la leeyahay  cashuurna waa lagu leeyahay dugsiyada gaarka ah waa in ay bixiyaan  lagumana tacadiyayo dugsiyada gaarka ah waayo? dadkeenii ayay wax u dhigayaan  dawladda ayaana ka masuul ah  dugsiyada gaarka ah.”.

 

 

Leave a Reply