Wasiirka Gaadiidka oo Dardaaran Faray Arday Deeq Waxbarasho Ka Helay Itoobiya

0
483

Faysal Xiis Afgaab

Laasgeel (Dawan ):- Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland Cabdilaahi Abokor Cismaan,ayaa dardaaran  faray arday deeq waxbarasho ka helay dalka Itoobiya.

Munaasibad ballaadhan oo isugu jirtay sagootin iyo dabaal deg oo loo qabtay  arday  wax ka bartay dugsiga sare  ee degmadda Laasgeel ee gobolka Maroodijeex,ayaa waxaa ka qayb galay Wasiirka wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland Cabdilaahi Abokor Cismaan.Guddoomiyaha gobolka Maroodijeex Jaamac Xaaji Axmed Cabdi.Maamulka Isguulka iyo ka degmada Laasgeel.

Ardaydaasi oo tiradoodu ahayd 23 ayaa deeq waxbarasho jaamacadeed oo dibadda ah ku guulaystay. Kuwaasoo qayb ka ahaa deeqaha waxbarasho ee ay sanadkan Somaliland ka heshay dalka Itoobiya.

Wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo jidadka Somaliland Cabdilaahi Abokor Cismaan, oo munaasibaddii loo qabtay ardaydaasi hadal ka jeediyay ayaa sheegay in ay reer Laasgeel farxad u tahay in 23 arday ay deeq waxbarasho helaan.

Waxaanu yidhi “Aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay in 23 arday ay inoo heleen deeq waxbarasho. Degmadan Laasgeel xagga waxbarashadda mar kasta waxay ku ahaan jirtay mid ku sharfan.”

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa ku daray.  “Waxaa la idinka doonayaa dhabar-adayg, in aad ILLAAHAY SWT ku xidhnaataan iyo in aad dedaashaan. Waxaa laga yaabaa jaamacadaha Itoobiya waa Boodhin. Idinka ayaa dharkiina maydhanaya, oo cuntadiina karsanaya. Markaa waxaa la idiinka baahan yahay in aad adkaysi u yeelataan. Tacabka aad halkaa kala timaadaan, ayuun baad degmada-na ku soo celin doontaan”

 

Badhasaabka gobolka Maroodijeex, ayaa isna halkaas hadal ka jeediyay oo si weyn ugu mahad naqay madaxweynaha Somaliland iyo wasiirka waxbarashadda sida caddaalada ah ee ay deeqaha waxbarasho u qaybiyeen.

Waxaanu tilmaamay in bulshadda Somaliland oo dhan ay soo dhaweeyeen siyaasadda xukuumadu qaatay ee ay dugsiyadda dawliga kootadda ugu xidhay deeqaha waxbarashadda dibadeed.

Geesta kale maamulka dugsiga sare  ee Laasgeel oo halkaa hadal ka jeediyay ayaa ardayda waxbarashadda dibadeed u baxaya kula dar-daarmay in marka ay tagaan Itoobiya ay ku dedaalaan tacliintoodda.

Leave a Reply