Koob Shaaha Lagu Karsan Karo Iyada Oo Mobile-ka Lagu Jaajar Garaynayo Oo Lasoo Saaray.

0
1179

Magiino waa koob cusub oo loogu talo galay in qofka sitaa shaaha ku karsado, sidoo kalena ku diirsan karo biyaha uu ku qasanaayo caanaha iyo waxyaalaha lamidka ah,waxaanu shaahaasi ku karinayaa heer kul aad u sareeya ,iyada oo la jaajar garaynaayo ,waxaana laga jaajar garayn karaa meelo kala duwan, iyada oo sidoo kalena laga xukumi karo taleefanka gacanta ee qofka, waxaana lagu xukuumayaa Buluutootka taleefanka oo lagu xidhaayo Koobkan,waxa aad sidoo kale ka xukuumi kartaa heer kulka waxa aad karsanayso inta uu noqonaayo iyo karintiisaba,iyada oo aad ku amri kartid in uu kulaylkaas hayo muddo dheer.

Koobkan lagu magacaabo Magiino waxa uu wataa fadhi yar oo xadhi la socdo, kaas oo dabka loo gelinaayo xiliga la jaajar garaynaayo , iyada oo lagu jaajar garayn karo Computer-ka uu qofku isticmaalaayo, xadhiga uu wato ayaana ah USB,waxaana si fudud loogu xidhi karaa Computer-ka, waxa kale oo lagu Karin karaa laguna diirin karaa  qalab uu wato oo lagu xidhaayo miiska dushiisa, kaas oo aan isagu wadan wax xadhig ah ,laakiin dabka ka qaata Cad ceeda ,laguna rakibay Solar-ta qalabka lagu magacaabo, iyada oo miiska lagu dul dhejinaayo koobkana la dulsaaraayo.

Koobkan Magiino waxa uu u samaysan yahay hab lakabyo ah oo kala sareeya, iyada oo in muddo ah laga shaqaynaayey samayntiisa, waxaana lagu sameeyey badhad yar oo dhegta koobka ku yaala, kaas oo laba jeer la taabanaayo marka la jidaayo ,sidaasna uu ku shidmaayo ,kuna bilaabaayo shaqadiisa ah in uu kululeeyo biyaha ku jira,

Sidoo kale marka la doonaayo in uu hore u kululaado ayaa cabaar la haynayaa Badhadkan yar ee loogu talo galay in lagu kululeeyo Biyaha ama Shaaha,sidoo kale marka u mobile-ku ka dab beelo waxa aad dib uga jaajar garaysan kartaa isla Koobkan oo aad xadhigiisa USB-ga ah gelinaysid Mobile-ka , sidaasna aad ku jaajar garaynaysid mobile-kaasi.

Marka la maydhaayo koobkan Magiino  ma jiro wax dhib ah oo ka iman kara, iyada oo loo maydaayo sida caadiga ah ee loo maydho koobabka kaleba.

Waxa isna jira koob kale oo ka dheer koobkan Magiino , kaas oo kaga duwan laba arrimood, arrinta kowaad ee uu kaga duwan yahay ayaa ah in laga shido Mobile-ka Iphone ,iyada oo isla isaga uun laga bakhtiinaayo, ta labaad ayaa ah in uu isagu qaylinaayo marka uu Shaaha ama biyaha ku jiraa karaan ee kululaadaan ,taas oo qofku ogaanaayo in hawshiis karintu u dhamaatay.

Waxyaalaha kale ee uu lee yahay ayaa ah saddex badhad oo kala duwan,sidoo kalena kala qaabilsan saddex shaqo, kuwaas oo kala ah mid laga kululaynaayo shaaha ama biyaha, mid laga qaboojinaayo iyo mid kale oo heer kulka koobkan iyo waxyaalaha ku jiraba ka dhigaaya mid dhex dhexaad ah.

Koobkan ayaa wata qalab loo isticmaalaayo jaajar garayntiisa ama siinta dabka uu ku shaqaynaayo, kaas oo hab wireless ah dabka u siinaaya , sidoo kalena waxa uu wataa USB gaar ah oo uu dabka kaga qaadan karo Mobile-ka qofka koobkan sita, isaga oo dabka ku jiraaya muddo laba saacadood iyo badh ah,waxaanu dabka qaadan karaa saddex jeer maalintii.

 

Leave a Reply