Wasaarada Shaqo Galinta oo Soo Bandhigtay Dagaalka ay Kula Jirto Tacadiyada Ka Dhanka ah Haweenka

0
433

Hargeysa (Dawan)- Wasaarada Shaqo Galinta, Arimaha Bulshada iyo Qoyska Jamhuuriyadda Somaliland ayaa soo bandhigtay Dagaalka ay kula jirto tacadiyada ka dhanka ah ee loo gaysto Haweenka.  Waxaana arrintaasi lagu soo bandhigay kulan ay bishiiba mar isugu yimaadaan madaxda wasaaraddaasi iyo hay’addaha ay wada shaqaynta leeyihiin.

Agaasimaha guud ee wasaarada Shaqo gelinta, arrimaha bulshada iyo Qoyska Cabdirashiid Ibraahin Cabdiraxmaan oo kulankaasi hadal ka jeediyay ayaa sharraxaad ka bixiyay ujeedka kulankan, waxaanu yidhi “Kulankan oo ah kulankeeni billaha ahaa oo aynu isagaga waraysano bishaa dhmaanaysa  tacadiyada haweenka ee dalka ka dhacay, adeegyada iyo taakulaynta la siiyay.”

Agaasimaha guud oo hadalkiisa sii watay waxa uu intaasi ku dasray “Waxaan idiinka mahad celinayaa waxyaabaha aad ka qabateen tacadiyada ka dhaca dalka iyo sida aad warbixinta uga soo gudbiseen aad wasaarada iyo xukuumaddaba ugu soo gudbiseen, waanan idiinak mahad celinayaa, bishanna waxa aynu iska waraysan doonaa waxyaabah inoo qabsoomay iyo waxyaabaha ay tahay in aynu sii laban laabno.”

Agaasimaha guud ee wasaarada Shaqo gelinta, arrimaha bulshada iyo Qoyska Cabdirashiid Ibraahin Cabdiraxmaan, waxa kale oo uu faahfaahin ka bixiyay safar shaqo oo ay dhawaan ku tageen dalka Jarmalka iyo kulamo ay la yeesheen madaxda dalkaasi, waxaanu yidhi “Wefti ka socda xukuumadda Somaliland oo ka kooban wasaaradda shaqo gelinta, wasaarada ganacsiga, wasaaradda qorshaynta iyo rugta ganacsiga ayaa dhawaan safar ku tagay dalka Jarmalka, safarkaasi waxa uu ahaa mid ujeedadiisu ayahay aqoon korodhsi iyo xogogaal u noqosho la xidhiidha arrimaha farsamada gacanta. Sida aad ka warqabtaan xukuumadda Somaliland waxay u tafo-xaydatay sidii loo hirgelin lahaa Iskuuladdii farsamada gacanta ee dalku hore u lahaa iyo sidii kuwo cusub loo abuuri lahaa, maadaama oo ay farsamada gacantu tahay halka kaliya ee shaqo abuur degdeg ah laga samayn lahaa, si markaa dugsiyadaa la kobcinayo iyo hawshaa baaxada leh ee la galayo, dadka ka shaqayna ee arrintaasi ku foogani sidii ay xog uga soo heli lahaayeen ayay safarkan ugu baxeen.”

Leave a Reply