Maamulka Gobolka Sool oo Soo Bandhigay Khamri Badan oo Boolisku Soo Qabteen

0
787

Laascaanood (Dawan): Maamulka gobolka Sool ayaa gacanta ku soo dhigay cadad badan oo maandooriyaha Khamriga ah, kaasoo ay ciidamadda boolisku ka soo qabteen xili magaaladda la soo gelinayay.

Khamrigaasi oo dhammaa 120 Litir  ayay ciidamadda boolisku ku guulaysteen in ay soo qabtaan, iyadoo ay baxsadeen raggii watay balse khamrigii iyo baabuurkii lagu siday ay ciidamadu soo qabteen.

Badhasaabka gobolka Sool Cabdiqani Maxamuud Jiidhe, maayarka degmadda Laascaanood Cabdicasiis Taarwale, iyo taliyaha qaybta booliska gobolka Sool oo shalay si wada jira shir jaraa’id u qabtay magaaladaasi ayaa faahfaahin ka bixiyay arrintaasi.

Cabdiqani Maxamuud Jiidhe, badhasaabka gobolka Sool oo shirkaasi jaraa’id ka hadlay ayaa ciidamadda booliska uga mahad celiyay, isagoona bulshadda ka codsaday in ay la shaqeeyaan ciidamadda booliska. Waxaanu yidhi “Runtii shaqo wanaagsan ayuu boolisku soo qabtay. Khamriga dhawr jeer ayaan ka dignay, go’aamo ayaana laga soo saaray, guddiga nabadgeliyadda gobolku warbixin ayay hore uga soo saareen, in aafadda khamriga lala dagaalamo”.

Sidoo kale badhasaabka Sool, waxa uu ka codsaday dadweynaha in ay ciidamadda booliska kala shaqeeyaan la dagaalanka Khamriga, isagoo xusay in cidii lagu qabto sharciga lala tiigsan doono. Waxaanu yidhi “Dadweynaha gobolka Sool ku dhaqan, waxaan ka codsanayaa Khamrigu caruurteenii, dhalinayaradeenii iyo dadkeenaba, wuu aafeeyay. Waa in ay la dagaalamaan, kalana shaqeeyaan ciidamadda amaanka.

Ciidamadda booliska waan ugu hambalyaynayaa hawshaa ay soo qabteen, ee muhiimka ah. imika uun maahee, maalin walba waa la qabtaa Khamriga, hadda tiradiisa ayuun baa ka badan kii hore. Taas ayaana keentay in la soo bandhigo. Cidii Khamri lagu soo qabto, sharciga ayaa la marinayaa”

Taliyaha qaybta booliska gobolka Sool Gaashaanle dhexe Axmed Cabdillaahi Cabdi, ayaa isna sheegay in  kadib hawl gal balaadhan oo ay ciidamadda boolisku sameeyeen ay ku soo qabteen Khamrigaasi.

Kaasoo markii ay ka war heleen in khamrigaasi magaaladda la soo gelinayo ay ciidamadu ku baxeen, iyadoo raggii Khamrigaasi watay ay ka baxsadeen gaadhigii iyo khamrigiiba.

Gaashaanle dhexe Axmed, waxa uu ka codsaday bulshadda magaaladda Laascaanood in ay ciidamadda booliska ka caawiyaan sidii wax looga qaban lahaa maandooriyaha Khamriga oo uu sheegay in uu dhibaato ku hayo dadka.

Geesta kale waxaa isna halkaa ka hadlay maayarka magaaladda Laascaanood C/casiis Xuseen Taarwale, oo u mahad celiyay ciidamadda booliska sida ay ugu guulaysteen soo qabashadda khamrigaasi.

Leave a Reply