Habeen Keliya Ayuu Sanadka Sheqeeya!

0
460

Dalka Shiinaha waxa ku yaalla Huteel aan noociisu dunnida ka jirin, kaas oo  u dhisan sida qalcadaha boqoraddu geli jireen waayadii hore. Waxaana habeenka keliya lagu seexdaa dabaqa hoose 570 kun dirham.

Huteelka ayaa muuqaalkiisa loo ekaysiiyey  waxyaalaha laga daawado Filimada, gaar ahaan kuwa ciyaalku daawadaan ee Cartoon-ka loo yaqaano.

Waxaana gudihiisa ku yaala dhisme weyn oo loo eekaysiiyay qalcadaha boqoradda, oo ka dul dhisan goob buur ah,

Dabaqa sare habeenka keliya qofka seexanaya waxa uu bixiyaa lacag dhan 80,000 oo dirham.

Hudheelkan ayaa shabahaya sidii  mid khiyaali ah.

Wuxu ku yaalla Chine, gaar ahaana magaalada lagu magacaabo Dalian ,taasi oo ay Qaramada midoobey ku dartay liiska 500 ee magaalo ee ugu degaanka fiican dunida ,waana magaalo raaxo loogu talo galay.

 

Dalxiisayaasha oo aad ugu badan Huteelka ayaa u bixiyay Hudheelkii Jacaylka,  Huteelku wuxu leeyahay goobo lagu dabaasho, goobo cunto, iyo goobo kale oo  loo isticmaalo in lagu tamashleeyo, isaga oo noqday mid ka mid ah hudheelada ugu waaweyn dunnida.

Hudheelkan ayaa leh 292 qol iyo 29 meelood oo fadhiga raaxada ah, waxaana habeenkii goobaha qaarkood ku kordha lacagta ,oo gaadha  77,000 dirham dabaqa hoose.

 

Leave a Reply