Nooca Roobkan Weli Lama Fahmin

0
539

Sanadkii 2009 dalka Japan magaalo ku taalla oo lagu magacaabo Anshitwata ayay daruuraha roobku isa soo xidheen, waxaana ay filayeen in Roob mahiigaan ahi uu ka ka da’yo.

Laakiin roobka maalintaasi da’ay aya noqday mid yaab leh ka dib markii ay samada ka soo daateen Rah iyo Kaluun. Waxaana dhulka markiiba buux dhaafiyay raha iyo  Kaluunka.

Aqoonayahano baadhis ku  sameeyay fahmi waayay isla markaana garan waayay sababta Roobkan ay ula socdeen Raha iyo kalnuunka. laakiin ugu danbaystii waxay ku fasireen inay tahay in roobkaasi oo watay dabaylo xoogan ay suurtagal tahay inuu goob fog ka soo qaaday raha iyo kaluunka, Waxase arinkaasi ku qanci waayay dad badan oo maalintaasi goob joog ka ahaa dhacdadaasi.

Baadhayaasha ayaa cadeeyay in roob noocan la mid ahi oo siday Kaluun iyo Rah uu ka da’ay dalka Giriiga sanadkii 1981.

Leave a Reply