Xukuumadda oo Iska Xil Saartay Daryeelka Agoonta iyo Naafada

0
404

Wasiirka Difaaca Somaliland oo ka hadlay muhiimadda xukuumaddu siisay agoonta iyo naafada ciidamada qaranka iyo daryeelka ay helaan

Qore Faysal Xiis Afgaab

Hargeysa (Dawan):- Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ee uu gadhwadeenka ka yahay Madaxweynaha qaranka Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa xil wayn iska saartay naafada iyo agoomaha ciidanka qaranka, isla markaana si toos ah u hoos geysay wasaaradda gaashaandhigga oo ay ku leeyihiin waax ka mid ah waaxyaha wasaaradda oo u xil saaran daryeelka iyo wax u qabadka naafada iyo agoomaha ciidamada qaranka, gaar ahaan ciidanka qaranka iyo ciidanka booliska.

Wasiirka wasaaradda gaashaandhigga Somaliland Cabdiqani Maxamuud Caateeye (Farriid) ayaa faahfaahin ka bixiyay daryeelka xukuumaddu u qorshaysay naafada iyo agoomaha ciidamada, gaar ahaan ciidanka qaranka iyo booliska oo wasaaradda hoos taga iyo sida ay baahiyahayooda nololeed ay wax uga qabtaan.

Waxaanu xusay in ay ku sugan yihiin dhammaan gobolada Somaliland naafada iyo agoomaha ciidanka qaranka iyo booliska ee u diiwaan gashan wasaaraddu.

Wasiirka wasaaradda gaashaandhigga Somaliland oo ka hadlay sida xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi iskaga xil saartay agoonta iyo naafada ciidamada waxaa uu sheegay in wasaaradda gaashaandhigga Somaliland lacagta ugu badan ee ka baxdaa ay ku baxdo daryeelka naafada iyo agoomaha ciidamada, taas oo uu tilmaamay in ay ka mid tahay qorsheyaasha qaran ee Madaxweynuhu dalka ku hagayo, isagoo intaa raaciyay in aan la illaawin cidlana aan lagaga tegin naafadii iyo agoontii dalkan u soo agoomoomay ama u soo naafoobay.

Wasiirka difaaca Somaliland Cabdiqani Maxamuud Caateeye oo arrimahaa ka hadlayaana waxaa uu yidhi. “Waaxda naafada iyo agoomuhu waxay u adeegtaa naafadii iyo agoomihii ku waxyeeloobay dagaaladii lala galay dawladdii cadawga ahayd ee Siyaas Barre ee dalka laga xoreeyay, naafadas iyo agoomahaas oo dib u xorayntii dalka ku waxyeeloobay xukuumaddu waxay siisaa daryeel joogto ah, agoonta waxaa la siiyaa wuxuu ku noolaado iyo wax ay noloshooda dib ugu soo kabana, hadday waxbarasho tahay iyo hadday raashin tahayba, sidoo kale naafadana waa la daryeelaa oo waxaa la siiyaa raashin iyo lacag, waana siyaasadda madaxweynaha qaranka Somaliland oo goob joog u soo ahaa halgankii dalka loo soo maray, isla markaana ogsoon naafadii dalka u naafoobay iyo kuwii u agoomoobayba xil gaar ah oo uu iska saaray naguna hago. Waxaana ku baxa lacagta ugu badan ee ka baxda miisaaniyadda wasaaradda gaashaandhigga jamhuuriyadda Somaliland taas oo aanu ku maamulno wasiirna ugu ahay fulinta siyaasadda Madaxweynaha qaranka ee daryeelka naafada iyo agoomaha.”

Agaasimaha waaxda agoomaha ee wasaaradda gaashaandhigga Somaliland Jaamac Koosaar Axmed oo isaguna faahfaahin ka bixiyay naafada iyo agoomaha wasaaradda u diiwaan gashan oo uu xusay in ay ku sugan yihiin dhammaan gobolada Somaliland oo dhan, ayaa yidhi. “Waaxda Agoomaha ee wasaaradda gaashaandhigga Somaliland waxaa hoos yimaadda naafada iyo agoomaha ciidamada qaranka gaar ahaan ciidanka qaranka iyo booliska, waxaanay imika tiradoodu ay dhan tahay 3848 qof (saddex kun siddeed boqol, afartan iyo sagaal qof) oo kala jooga gobolada dalka oo dhan, nafadaa oo wasaaradda difaaca la hoos keenay xilligii loogu talo galay in derajada ciidamada la bixiyo si loo kala saaro markaa askariga shaqo galka ah ee diyaarka ah iyo askariga naafada ah, 2012-kii ayaa markii tirakoob guud lagu sameeyay ciidanka qaranka iyo ciidanka booliska la hoos keenay wasaaradda difaaca, halkaas oo ay ku qaataan wixii xuquuq ahaa ee ay horeba ciidanka dhexdiisa ugu qaadan jireen ee ahaa raashin iyo mushahar, waxaana dharwkii biloodba mar lagu sameeyaa kormeer guud oo la xidhiidha in hawlhii waaxdani u igmanayd ee ay u haysay naafada iyo agoontu in ay si habsami ah u gaadhaan oo ay joogto u helaan.”

Waxaa kale oo iyaguna halkaa ka hadlay xubno ka mid ah naafada wasaaradda gaashaandhigga iyo hooyooyin ku hadlayay afka agoonta, waxaanay sheegeen in xukuumaddu iska xilsaartay noloshooda, isla markaana baahiyahooda ay wax badan ka qabato iyagoo u mahad celiyay madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, sida hagar la’aanta ah ee uu u daryeelo naafada iyo agoonta iyo wasiirka gaadhaandhigga oo ay wasaaraddiisa ka tirsan yihiin, isla markaana xaaladdooda si dhaw ula socda.

 

Leave a Reply