Mudane Guurtidda ka Tirsan oo Soo Jeediyay in la Dhiirigeliyo Dhakhaartiirta Dalka

0
370

Qore Khadar M. Xaashi

Hargeysa (Dawan) Xildhibaan Axmed Nuur Aw Cali Aadan kana mida mudanayaasha golaha guurtidda Somaliland ayaa soo jeediyay in dhiirigaliyo dhakhaatiirta wadanka u dhalatay, ee wax ku daweeya Daawo Dhaqameedka.

Sidoo kale waxaa uu ku taliyay in marka wadanka horumarkiisa la doonayo, in leyska xilsaaro sidii loo hellilahaa Daawo dabiiciya oo dalku leeyahay.

Xildhibaan Axmed Nuur Aw Cali Aadan isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi “Waxaa aynu nidhaahna Dawadaasi waa maxay? taasi waa Jarmal, tani waa maxay? waa Mareykan, tani waa maxay waa Pakistan, waa ta dawar waa ay sameeyeen, anigu waxaan leeyahay hala dhiirigaliyo nimanka Dawo Dhaqameedka sameeya, si aynu Dawooyin u soo saarno”

Xildhibaan Axmed Nuur isaga oo hadalkiisa sii wata waxaabuu intaasi ku daray “Kuwanba waa iska aaminsanahay, waxaan leeyahay nimankaasi hala dhiirigaliyo, hala horumariyo, adeegyadooda caafimaad hala iska xilsaarno, magacna waan raadineyna horumarna ma ogolin, dalkuna waa in uu hella Dawooyin dalka lagu sameeyay, sidaasi ayaanu caafimaadka dalkeena ku hagaagayaa”

Leave a Reply