Dawladda Hoose ee Hargaysa oo Bilawday Nidaam Casriya Oo Lagu Kaydinayo Xogta Mulkiyadaha

0
485

By: Khadar Cabdi Muuse

Hargaysa (Dawan): Dawladda hoose ee caasimadda Hargaysa ayaa ku guulaysatay in faylasha mulkiyadaha dhulka iyo guryaha laga dhigo nidaamka casriga ah ee lagu kaydiyo xogta ee loo yaqaano E Government.

Nidaamkaasi oo si tijaabo ah uga socday degmadda Ibraahim Koodbuur ee caasimadda Hargaysa ayay masuuliyiintii iyo shaqaalaha waday waxay sheegeen in lagu guulaystay, isla markaana dhawaan faylasha dawladda hoose oo dhan loo wareejin doono E Government.

Dawladda hoose ee caasimadda Hargaysa ayaa hore u bilawday tijaabinta nidaamka casriga ah ee lagu kaydiyo xogta faylasha guryaha E Government. Habkaasi oo ah nidaamka casriya oo kombiyuutarka lagu kaydinayo mulkiyadaha dhulka iyo guryaha, kaasoo muddooyinkanba ay socotay tijaabintiisu.

Maayarka caasimadda Hargaysa C/raxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco), ayaa shalay soo kormeeray sida ay hawshaasi uga socoto xafiisyadda degadda Ibraahim Koodbuur oo muddoooyinkanba ay ka wadeen nidaamkaasi.

Masuuliyiinta waaxda u qaabilsan dawladda hoose barnaamijkan lagu casriyaynayo nidaamka kaydinta xogta oo halkaas maayarka warbixin ku siiyay ayaa sheegay in ay Sabtidii la soo dhaafay ay ka bilaabantay oo uu joogsaday faylkii hore ee gacanta lagu saxeexayay, kaasoo muddo laba bilood iyo 10 cisho ah tijaabadii ayuu nidaamkani ku jiraa.

Waxaanu masuulkaasi dadka reer Somaliland ee doonaya in ay sharciyaystaan dhulkoodda dal iyo dibadba ha joogaane in ay la yimaadaan aqoonsiyadoodda.

Iyadoo haddii uu qofku dalka joogo looga baahan yahay in uu la yimaado kaadhkii muwaadinimadda ee ay wasaaradda arrimaha gudaha iyo dawladda hoose bixinayaan.

Haddii kale-na waa in ay la yimaadaan baasaaboor ama aqoonsiga dawlad kale oo sharcigeedda la aqoonsan yahay.

Geestiisa maayar Soltelco, ayaa uga mahad celiyay hawl wadeenadda barnaamijkaasi sida wanaagsan ee ay hirgeliyaan tijaabadiisii, iyadoo wixii hadda ka danbeeyana loo wareegayo habkan casriga ah.

Waxaanu tilmaamay in nidaamkani uu yahay mid aad uga fudud kii hore. Waxaanu yidhi “Muddo waxaa socday tijaabadii ahayd nidaamka E Government in dawladda hoose ay u wareegto. Iyadoo tijaabadaasi ay ka socotay degmadda Ibraahim Koodbuur.

Nidaamkan waxaanu ku bilawday 14 maalmood, taasina ma aha halka aanu u socono, waxaanu u soconaa in faylku uu saddex cisho ku dhamaado”.

C/raxmaan Soltelco, ayaa nidaamkan cusub ku tilmaamay mid tallaabo guul weyn u ah caasimadda Hargaysa, waxaanu sheegay in bisha soo socota oo dhan in barnaamijkaasi oo ka bilaabmi doono degmooyinka Hargaysa oo dhan.

Hase yeeshee degmadda Ibraahim Koodbuur oo iyada lagu tijaabiyay uu nidaamkaasi casriga ah si rasmiya uga hirgalay Sabtidii la soo dhaafay. Isagoo bulshadana ugu baaqay in ay dhulkoodda sharciyaystaan.

“Waxaan qabaa, waa guul weyn oo ay magaaladda caasimadu gaadhay. Mar labaadkana waxay noqon doontaa in ay magaalooyinka kale u gudubto. Bisha October oo dhan waxa uu nidaamkani tijaabo kaga socon doonaa degmooyinka kale.

Laakiin, degmadan Ibraahim Koodbuur oo laga bilaabay tijaabadda, waxay noqonaysaa laga bilaabo Sabtidii in ay si caadiya ugu guurtay nidaamkaasi, oo fayl danbe oo gacanta lagu saxeexayaa aanu jirin.

Dadweynaha waxaan leeyahay, waxaa idiin taalla in aad dhulkiinii sharciyaysataan”ayuu yidhi maayarka Hargaysa.

 

 

Leave a Reply