Rugta Ganacsiga Somaliland oo Dalka Turkiga Kaga Qayb Gelaysa Shirka Maalgashiga

0
360

Qore Khadar M. Dhako

Hargaysa (Dawan)- Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland Jamaal Caydiid Ibraahim iyo Xubno Ganacsato ah oo ka socda Somaliland ayaa dalka Turkiga kaga qayb gali doona shir lagaga hadlayo Maalgashiga oo ka qabsoomi doona magaalada Anchara ee dalkaasi.

Jamaal Caydiid Ibraahim oo Warbaahinta la hadlay intii aanay dalka ka ambo bixin ayaa waxa uu sheegay in Shirkaa lagaga hadlayo Maalgashiga ay ka soo qayb gali doonaan 43 dal oo Afrika ah, waxaana uu intaasi ku daray in mudda uu socdlo lagu sii xoojin doono xidhiidhka Ganacsi ee ka dhaxeeya Somaliland iyo Turkiga, waxaana uu intaasi ku daray in Shirkaa ay ku soo bandhigi doonaan in dalka Somaliland leeyahay khayraad badan iyo Shuruucdii Maalgashiga.

Jamaal Caydiid Ibraahim oo arimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxa aanu u ambo baxaynaa Shir ka dhacaya Magaalada Anchara ee dalka Turkiga, waxaana aanu marti qaad rasmiya ka helnay dawlada Turkiga, waxaana shirkaa lagaga hadlayaa Maalgashiga, waxaana aanu kaga qayb galaynaa Ganacsato ka kooban Gobalada Somaliland, wax siyaasada shaqo kuma laha Shirkaasi aanu ka qayb galaynaa, waxaana aanu shirkaa la kulmi doonaa Ganacsatada Turkiga iyo Ganacsatada Afrika ee shirkaa ka soo qayb galaya oo ah 43 dal oo Afrika ka socda, ayaa Shirkaa ka soo qayb gali doona. Ganacsatada wax soo saarta ee dalka Turkiga waanu la kulmi doonaa Ganacsatada Somaliland xidhiidh toosa ayay la leeyhiin Shirkadaha Ganacsatada dalka Turkiga oo waxbay ka soo iibsadaan”.

Jamaal Caydiid Ibraahim ayaa waxa uu sheegay in shirkaa ay kaga qayb galayaan iyagoo Somaliland matalaya. waxaana uu yidhi “Waxaana aanu ka qayb galeynaynaa anagoo Somaliland matalayna, waxaana aanu rajaynaynaa in aanu sii xoojino xidhiidhkaa Ganacsi ee inaga dhaxeeya Dalka Turkiga, waxaana aanu u sheegi doonaa in dalka Somaliland leeyahay Shuruucdii Maalgashiga,Ganacsatada reer Somaliland wax bay ka soo iibsadadaan Dalka Turkiga waxaana aynu nahay dalalka geeska Afrika ee wax ka soo iibsata dalka Turkiga”.

Leave a Reply