Guddoomiyaha Guurtidda oo Bahda Garsoorka ka Difaacay Dhaliillo Loo Jeediyay

0
419

“Waxaan qabaa si fiican ayay hawsha garsoorku u socotaa meel aan dhaliil lahaynina ma jirto”

 

 

 

Hargaysa (Dawan): Guddoomiyaha golaha Guurtidda Somaliland ayaa ka difaacay bahda garsoorka eedaymo iyo dhaliil ay u jeediyeen qaar ka mida xildhibaanadda golahaasi oo ku tilmaamay in garsoorku fadhiid yahay.

Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa eedaha xildhibaanadaasi ku tilmaamay mid aan la aqbali karin, isla markaana uu isagu u arko in shaqadda bahda garsoorku ay si fiican u socoto.

Guddoomiye Saleebaan, waxa uu sidan ka sheegay mar uu shalay xildhibaanadda Guurtidda la hadlayay kadib dood iyo falayn qayn ay ka yeesheen arrimaha garsoorka oo ay dhaliilo u jeediyaan.

Waxaanu u soo jeediyay xildhibaanadda Guurtidda ee sida weyn u dhaliishan hawlaha garsoorka in aanay jirin hay’da dawladeed oo aan dhaliil lahayn, balse wixii u baahan in la saxo ay u gudbiyaan.

Waxaanu yidhi “Hay’ad idinla siman ayaad leedihiin waa hawl-gab, oo guddoomiyaha maxkamadda sare ka madax yahay. Anigu waxaan qabaa si fiican bay hawshu u socotaa hawsha garsoorku.

Yaynaan ka abaal ka dhicin, meel aan dhaliil lahayni ma jirto, meel aan nuqsaami ku jirini ma jirto. Wixii aynu leenahay halkaa ha laga saxo, uun aynu gudbino”.

Geesta kale guddoomiye Saleebaan, ayaa xasuusiyay xildhibaanadda dhaliishan garsoorka in haddii afarta hay’adood ee xukunka dalka ugu sareeya midkood dumay in ay halis ku jirto qaranimadu.

Sidaas darteedna aan la odhan karin nidaamka garsoorka dalku in uu bur-buray, isla markaana mudanyeesha looga baahan yahay in wixii dhaliil ah ee ay hayaan loo gudbiyo bahda garsoorka.

Dibna loo yeedho si ay u hor yimaadaan golaha Guurtidda oo su’aalo looga waydiiyo meelaha dhaliishu ka jirto.

“Afar hay’adood oo siman ayaa hadda dalka ka madax ah, waa madaxweynaha iyo xukuumadiisa. Waa labadda gole, waa garsoorka. Haddii midkood dumay, sida aad sheegaysaan, waxbaba inooma soconayaan.

Ma dumine, dhaliilo waynu leenahay, aynu dhaliisha uun u gudbino, dabadeedna aan iyaga (garsoorka) sidaas ugu yeedhno”ayuu yidhi guddoomiyaha golaha Guurtidda Somaliland.

 

 

 

Leave a Reply