Dawladda Hoose ee Magaaladda Burco Oo Dhaqan Gelisay Amarkii Xoolaha Lagaga Sifaynayay Suuqyadda

0
492

Qore Khadar Cabdi Muuse

Burco (Dawan): Dawladda hoose ee magaaladda Burco ayaa shaacisay in Salaasadii shalay ay ku eg tahay mudaddii ay u qabteen dadweynaha in ay xoolahoodda kaga saaraan gudaha magaaladda Burco.

Kal-fadhigii u danbeeyay ee golaha degaanka Burco ayay xildhibaanadu ku meel mariyeen go’aanka ah in marka la gaadho bishan Octobober 1-deedda in aan gudaha magaaladda Burco lagu arki karin wax xoolo ah.

Xoghayaha fulinta dawladda hoose ee Burco Cismaan Maxamed Sheekh, oo warbaahinta la hadlay ayaa mar kale xasuusiyay bulshadda Burco in ay u hogaansamaan go’aankii ay golaha degaanku hore u ansixiyeen.

Kaasoo ahaa in aan marka la gaadho bishan Ocotober ay gebi ahaanba mamnuuc tahay in xoolaha aan lagu arki karin gudaha magaaladda Burco.

Waxaanu ugu baaqay dadweynaha in ay xoolahoodda ka saaraan suuqyadda magaaladda. Waxaanu yidhi “Wakhtigii golaha degaanku iclaamiyay, ee uu ansixiyay, waa berito (maanta).

Waxaanan ku cel-celinayaa, oo dadweynahayaga reer Burco u sheegaynaa, in dhamaanba xoolaha nool laga saaro magaaladda. Si gaara Lo’da in aan marnaba habeen iyo maalinba lagu arki karin magaaladda oo laga saaro”.

Geesta kale xoghaye Cismaan Maxamed Sheekh, waxa uu tilmaamay in Adhiga loo marayo nidaamkii hore ee ahaa in maalintii loo foofiyo daafaha magaaladda habeenkiina lagu soo xereeyo, balse aan la ogolaan doonin in gudaha magaaladda lagu arko.

“Adhiga, isaga in nidaamkii hore loo raaco, maadaama oo gobolkan Togdheer dad badani ay ku tiirsan yihiin Adhiga.

Waa in Adhiga sidii hore ee loo raaci jiray, ee subaxii magaaladda looga foofin jiray, galabtiina la soo xerayn jiray, ee aanay magaaladda iyo Adhigu isba arki jirin, in nidaamkiisii hore loo sameeyo”ayuu yidhi xoghaya dawladda hoose ee Burco.

Ugu danbayn Cismaan Maxamed Sheekh, ayaa ugu digay dadweynaha in neefka xoolo ah ee ay lagu arko suuqyadda magaaladda Burco in ay la wareegayso dawladda hoose.

Waxaanu sheegay in ay bilaabayaan olole xoolaha lagaga sifaynayo suuqyadda. Waxaabu yidhi “Neefka xoolaha ah ee aanu beri ku aragno suuqa in lala wareegayo.

Dadweynaha waanu ku adkaynaynaa, waanan ku cel-celinaynaa. Ololihii balaadhanaa ayaanu qaadaynaa, neef xoolo ahna suuqa kuma arki karno”.

Leave a Reply