Amiirkii Bashiir Ashihaabi oo dalka Labnaan xukumi jiray horaantii qarnigii 19aad (1840) kana soo jeedaya Muslminka suniga ah ayaa maalin adeegihiisa ku yidhi :” waxaan doonaaya inaad Beed khudrad lagu shiilay ii samayso”.
Adeegihiisa ayaa ku yidhi :“ Allah hakuu barakeeyo Amiir, kaasi waa sayidka cuntooyinka, waa hilib aan baruur lahayn, waa Kaluun aanad arkayn, waxaad ku cuni malqaacad, waana cunto dhamaystiran ”.
Amiirka ayaa haddana ku yidhi : ”Laakiin dhowr maalmood ka hor waanigii cunay, markaa caloosha ayaan xanuun ka dareemay “.
Adeegaha ayaa ku jawaabay :” Nacadal haku dhacdo Beedka khudarada lagu shiilay, waa raashin culus, oo adag, waa kan cunto ugu liita”.
Amiirka oo yaaban ayaa ku yidhi :” Waa ku sidee!, Raashinkii aad imika amaanaysay ayaad haddana islamarkiiba ceeb ka sheegaysaa”!.
Khaadimkiisa ayaa ku yidhi :” Amiirkaygow, anigu adigaan kuu ahay khaadim, uma ahi Beedka, haddii amiirku shay amaano aniguna waan amaanaya, haddii uu dhaliilo aniguna waan dhaliilaya, wixii aad sax u aragto ayaan u arkaa wixii khalad u aragto aniguna khalad ayaan u arkaa”. Xikmaduna waa inaad madaxda adeecdo.