Bulshadu Ma Kala Maaranto!

0
469

Markii uu socday dagaalkii sokeeye ee u dhexeeyay Koonfurta iyo waqooyiga Maraykanka qarnigii 19aad , Jabhadihii dhinaca koonfurta ka soo jeeday waxay haysteen suufka laga xidho dhaxanta iyo barafka, laakiin waxa aanay haysan oo ay aad ugu baahnayaaen geedka Afyuunka (Opium) oo la adeegsan jiray dhinaca xanuun biinta askarta dhaawac ah, waagaasi caan ahaa.  Waxaana Geedkaasi Obyamka la siin jiray dhaawacyada si uu xanuunka u ilowsiiyo (anti pain).

Dhinaca kalena ciidankii ka soo jeeday dhinaca waqooyiga ayaa iyaguna gacanta ku haystay geedkaasi, laakiin iyagana waxa ka maqnaa suufka dhaxanta laga xidho, iyadoo qabowguna uu aad u xooggan yahay.

Haddaba isagoo dagaalku socodo ayay labada ciidan haddana heshiis ku gaadheen inay sameeyaan ganacsi ay is dhaafsanayaan Suufka iyo geedka Afyunka (Opium), madaama aanay labada dhinacba ka maarmi Karin.

Ugu danbaystii sababaha keenay in dagaalku istaago waxa u weynayd iyagoo labada dhinacba dareemay baahida ay isu qabaan iyo in aanay kala maarmayn.

Leave a Reply