Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Dardaaran Qaran Faray 606 Arday oo ka Qalin-jebiyey Jaamacadda ADMAS

0
529

Qore Faysal Xiis Afgaab

Hargeysa (Dawan):- Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa dardaaran qaran faray kuna boorriyay in aqoonta ay barteen ay dalkooda iyo dadkooda ugu adeegaan 606 arday oo ka qalin jebiyay Jaamacadda ADMAS

Munaasibad si wayn loo soo agaasimay oo loo qabtay qalin jebinta 606 arday oo ka aflaxay Jaamacadda ADMAS shalay,ayaa waxaa ka soo qayb galay Madaxweyne ku xigeenka qaranka Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici,Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi,xubno ka tirsan golaha wasiiradda,saraakiil ka socday asxaabta qaranka,maamulka iyo macalimiinta Jaamacadda ADMAS,waalidiin,ardayda Jaamacadda iyo marti sharaf kale.

Munaasibadda Qalinjebinta oo lagu qabtay Hutel Maansoor ee magaalada Hargeysa, ayaa lagu fooladeeyey Dufcaddii 11-aad ee ka qalinjebisa jaamacadda Admas, waxana munaasibadda laga jeediyey hadallo lagu bogaadinayo ardayda qalinjebisay, laguna dhiirrigelinayo inay cilmiga ay barteen uga faa’iideeyaan bulshadooda,

Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo munaasibadda hadal kooban ka jeediyey, ayaa bogaadiyey ardayda qalinjebisay, waxaanu kula dardaarmay inay barashada cilmiga sii wadaan, kuna dedaalaan sidii ay bulshadooda ugu noqon lahaayeen haldoorro lagu hirto oo la higsado.

Waxaanu intaa raaciyay in cilmigu yahay ka lagu horumaro isla markaana umadi ay ku gaadho halka ay higsanayso waxaanu dhallinyada ku waaniyay in cilmiga ay barteen aanay halkaa kaga hadhin ee ay sii wataan iyo in cilmiga ay hantiyeen in uu noqdo mid if iyo aakhiroba anfaca oo dalka,dadka iyo waalidkii ku soo tabcayba ay ku anfacaan.

Waxaanu ka waaniyay in ay ka fogaadaan waxyaabaha aqoontooda dhaawici kara sida qabyaaladda,waxaanu u rejeeyay in ay ka midhi dhaliyaan aqoonta ay barteen.

Ugu dambayn Madaxweyne ku xigeenku waxa uu shahaado sharafyo guddoonsiiyey ardaydii sannadkan ugu saraysay jaamacadda iyo haldoorka ay jaamacadu sannad walba ku sharafto waxqabadka iyo horumarka ay ka sameeyeen ama ku soo kordhiyeen dalka.

 

 

Leave a Reply