Hadday Dheriga Ka Taliyaan Dad Badani Maraqaa Xumaada

0
492

Ismaqal iyo kala dembeyn la’aantu, waa ayaan-darro inna soo haysatay tan iyo markii gacanta laynaga saaray Xorriyaddii aan ka qaadanay 26KII June 1960kii Boqortooyadii Ingiriiska oo aan muddo dheer u ahayn maxmiyad ku hoos jirtay xukunkiisa iyo sidoo kale sannadihii ugu dembeeyey ee halganka loogu jiray sidii loo heli lahaa madaxbannaani buuxda.

Bani’aadanku waxa uu ku nool yahay oo ku hormaraa waa talo, waayo gacmo wada jira ayey wax ku gooyaan, dadkuna wada jir ismaqal iyo kala dembeyn ayuu ku maareeyaa noloshiisa inta uu nool yahay waayaha dunida ee subax kasta xambaarsan dhacdooyinka kala duwan ee isugu jira mid farxadeed, mid colaadeed, mid murugo iyo naxdin leh, mid maad iyo qosol leh, mid jaha-wareer ah, mid rajo gelin leh, mid mugdiya iyo kuwa kale oo badan.

Waqtigii ay Boqortooyada Ingiriisku inoo oggolaadeen inay inna siiyaan Xorriyaddeena oo ahayd dhawr sanno ka hor xilligii Xorriyaddii aan haysan kari weynay wax ka badan afar maalmood, ayaa waxa uu Ingiriis innooga digay ku biiritaanka Soomalidii ku hoos jirtay Gumeysiga Talyaaniga oo iyaga waqtigaa uu u sii ogglaaday Talyaanigu inay qaataan maamul hoosaad ay isku sii maamulaa ka hor intaanu si buuxda u siin Xorriyaddooda, waxayna digniintiisu ku saleysneyd laba qodob oo kala ahaa, xagga tirada kala badnaashaha[Kuraasta baarlamanka] iyo dhinaca barashada is-maamulka hoggaaminta oo ay innagaga horreeyeen.

Sidaa darteed, waxa uu innoo soo jeediyey si aan la inoo liqin, inuu muddo toban sanno ah gacanta innagu sii hayo, si uu u hormariyo dhinacyada Waxbarashada, Waddooyinka, Cisbitaallada IWM, sidoo kalena innagu wareejiyo hoggaaminta maamul-hoosaadka, si aan ugu sii tababarrano sida wax loo maamulo, haseyeeshee waxa markiiba gaashaanka ku dhufta marka laga reebo Xisbigii NUF iyo taageerayaashiisii mooyee, dhammaan axsaabtii kale oo dhan iyo shacbigii taageerayaaasha u ahaa oo shan jibbaar ka badnaa Xisbigii NUF iyo taageerayaashiisii oo iyagu ahaa kuwa ku keliyeystay aqbalaadda taladii Ingiriis inoo soo jeediyey.

Taladii nasteexnimo ee la inna siiyey, waxaynu u laalnay si ka fiirsasho la’aan ah, taasna waxa u sabab ahaa shacbiga oo jiidhayey mas’uul kasta oo la yimaad talo ka duwan go’aankooda ahaa, in si shuruud la’aana loogu biiro Somalidii uuTalyaanigu gumeysanayey oo isna markuu arkay ku biiritaanka shuruud la’aanta ah ka soo hormariyey waqtigii hore ee uu siin lahaa Xorriyaddooda oo noqon lahayd 1964kii, taas oo siday ka codsadeen uu ku beegay xilligii Xorriyaddeena oo shan maalmood oo qudha laga dembeysiiyey, markii aan ku biirneyna wixii innaga gaadhay taariikhaha ayey ku xardhan tahay.

Maanta oo aan gacanta ku haysano Xorriyaddii aan luminay lixdankii oo aan dhisnay intii awooddeena wax kasta oo dawladaha adduunku leeyihiin, haddana illaa hadda Xukuumad kasta oo aan soo doorrano waxa la daba taaganahay qeylo, cay iyo dhaleecooyin aan meel haysan, sidoo kalena mar walba waxan dooneynaa inaan qarka la qabsano oo la karino dheriga kii aan u dhiibnay ee ku aaminay inuu kariyo, hadba wixii uu innoogu ridana, markuu si wacan u bisleeyo uu innoogu kala rido si caddaaladi ku jirto.

Waxa jirta odhaah Somaalida iyo Carabtuba yidhaahdaan markay arrin maamul isku mulaaqanto, taas oo ah, hadday cunta kariyayaashu bataan waxa xumaada maraqa., waxan taa ku dari karnaa odhaahdan oo iyana ah, inaanu lib iyo guul iyo hormar toona gaadheyn mas’uul inta la doortay, haddana kuwii codka siiyey ee doortay doonayaan inay talada dhinac la haystaan, halkay ka ahayd in go’aannada uu qaato ka dhursugaan natiijadooda oo markaa kadib wixii kasoo baxaa hadduu xumaado ku diidaan, haseyeeshee haddii qaraar kasta oo ka soo baxa Xukuumadda ay cid walba ka dhex eeg-eegto halkay ka duri lahayd,si danteeda gaarka ugu hesho, taas oo ah ta ay ku dunto danta guud oo haddaan iyada la wada dhisin aan ta gaarka ahina weligeed dhismeyn.

Haddeynu nahay shacbiga reer Somaliland, waxan sidii mara-boobta ugu maranahay Xukuumadihii u kala dembeeyey talada dalka oo tiradoodu dhan tahay shan, kuwaas oo marka la eego duruufihii uu mid kastaa ku soo shaqeeyey muddo xilliyeedkii uu lahaa oo ay ku jirto ta hadda xilka haysaa, waxa markhaati ma doon ah inay si nafhurnimo wax usoo qabteen, waayo mid kastaaba markay kursiga ku fadhiisato, ayaa xadhig kasta oo ay dhaqaaji is-tidhaa la qabsadaan shacbigu oo dabadeedna dhulka ay iska dhigaan waxyaabo badan oo ka mid ah arrimaha uu dalku ka tallaabsan kari la’yahay oo kow ka tahay qabyaaladdu.

Sidaa awgeed, haddeyno nahay shacbiga reer Somaliland laba isku heli maayo, waa isku dab iyo dhagax oo layskuma dhuftee, waa la kala dhawraa, labadaasna waa QABIILYAHAN IYO QARANYAHAN ee maadaama aanay is-qabaneyn mikood inoo soo xula, kaad soo xushaan ayeynu falanqeyn doonaa mid kastaa faa’iidooyinka iyo khasaarooyinka uu leeyahay.

 

 

Leave a Reply