Somaliland iyo Midawga Yurub oo Kulan ka Yeeshay Xidhiidhka Labada Dhinac iyo Xoojinta Iskaashiga Wada Shaqayneed

0
428

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo Qaabilay Safiirka Midawga Yurub u Qaabilsan Dalalka Somaliland Iyo Soomaaliya Amb. Nicolás Berlanga Martínez

Qore Faysal Xiis Afgaab

Hargeysa (Dawan):- Somaliland iyo Mdawga Yurub,ayaa kulan ka yeeshay xidhiidhka labada dhinac iyo sii xoojinta iskaadhiga wada shaqayneed ee Somaliland iyo Midawga Yurub,ka dib markii wefti ka socda Midawga Yurub oo uu hoggaaminayo Safiirka Midawga Yurub u qaabilsan dalalka Somaliland iyo Soomaaliya Amb. Nicolás Berlanga Martinez ay socdaal shaqo ku yimaadeen caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, oo weftiga uu hoggaaminayo safiirka Midawga Yurub u qaabilsan dalalka Somaliland iyo Soomaaliya Amb. Nicolás Berlanga Martinez ku qaabilay shalay xafiiskiisa,ayaa lagaga wada hadlay xidhiidhka labada dhianac iyo sii xoojinta wada shaqayneed ee Somaliland iyo Midawga Yurub.

Waxaa kale oo lagaga wada hadlay dar dar gelinta mashaariicda horumarineed ee ay iska kaashadaan Somaliland iyo Midawga Yurub.

Kulanka Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo weftiga Midawga Yurub ku wada yeesheen Xarunta Madaxtooyada Somaliland ayuu dhanka Somaliland ku wehelinayay Madaaxweynaha qaranka Wasiirka arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah Prof: Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir(Faratoon).

War-saxaafadeed ka soo baxay qasriga Madaxtooyada Somaliland oo lagaga hadlay kulankaas,ayaa u dhignaa sidan.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta(shalay) oo ay taariikhdu ahayd 09-10-2019 xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Midawga Yurub u qaabilsan dalalka Somaliland iyo Soomaaliya, Amb. Nicolás Berlanga Martinez iyo wefti uu hoggaaminayo.

Kulankaana waxa lagaga wada hadlay xoojinta xidhiidhka wada shaqayneed ee ka dhexeeya Jamhuuriyadda Somaliland iyo midawga Yurub sidii loo dardar-gelin lahaa. Sidoo kale, waxa lagu lafo-guray mashaariicda horumarineed ee Midawga Yurub iyo Jamhuuriyadda Somaliland iska kaashadaan hirgelintooda iyo diyaar garawga doorashooyinka goleyaasha wakiillada iyo deegaanka oo safiirku sheegay inay dhinacooda diyaar u yihiin wixii kaalmo ah ee ay kaga qayb-qaadanayaan qabsoomida doorashooyinka Somaliland.

Ugu danbayn madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo uu kulanka ku wehelinayey wasiirka arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah Prof. Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon), ayaa safiirka Midawga Yurub ku bogaadiyey xidhiidhka wanaagsan ee ka dhexeeya Somaliland iyo Midawga Yurub iyo mashaariicda horumarineed ee ay dalka ka wadaan.

Leave a Reply