Xikmadaha Maanta

0
732
  • Iskajir denbiyada iyo macaasida , iyaga ayaa keena Hammiga Iyo Murugada, iyaga ayaana fura albaabada belaayada iyo saboolnimada.
  • Noqo kan bilaaba wanaaga, dadkana u tudha, damiyana cadhada iyo cadaawada
  • Haka xumaan hadalka xun iyo wixii lagaa sheego adiga waxba kuma yeelayaan, qofka yidhi ayuu dhib ku hayaa.
  • Dadka u furfur wajigaaga waxaad helaysaa niyadooda, hadalkana u debci si ay kuu jeclaadaan, u naxariiso si ay kuu qadariyaan
  • Bixinta Sadaqada ku dadaal haba yaraatee. Sadaqadu waxay bakhtiisaa xumaanta, qalbigana way farxad galisaa, hammigana way kaxaysaa, arsaaqadana way badisaa.
  • Albaabada ugu wayn ee nolosha wanaagsan waxa ka mid ah ducada waalidka ee badso samafalkoodana ilaali, si sharka iyo belaayada aad uga nabad gasho.

 

Leave a Reply