Hadda uun baa laga soo doogayay buuq muddo dheer taagnaa oo Xisbiga Waddani ku doonayay in uu meesha kaga saarro Guddiga waqtigiisu dhamaadka yahay ee doorashadda ka dib markii heshiis la gaadhay.
Dhinacyadda doorashaddu khusaysaa waa ay soo xulleen xubnihii ay doonayeen inay bedellaan guddiga hore. Markii Xisbiyaddii Guurtidii iyo Madaxweynihiiba cugteen, islamarkaana loo soo gudbiyay Golaha Wakiillada ayaa sida Guddoomiyaha Golaha Wakiilladu cadeeyay madaxweynuhuna ka daba maray, waxaa cabasho muujiyay Xisbiga Waddani.
Gudoomiyaha golaha Wakiillada Baashe Maxamed Faarax waxaa uu sheegay inuu xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI uu duray laba xubnood oo ku jira guddida doorashooyinka ee cusub. “Todobadii xubnood oo dhamaystiran waa la noo soo gudbiyey, goluhuna waajibadkiisa dastuuriga ayuu ka qabsanayaa” ayuu yidhi gudoomiye Baashe Maxamed Faarax oo ka hadlayey dhamaystirka komishanka doorashooyinka cusub.
Sidoo kale waxa uu intaas ku daray oo uu yidhi, “Waraaq waxa soo qoray xisbiga WADDANI, waxaanay ka cabanayaan laba xubnood oo midna ay leeyihiin Kulmiye ayuu ka tirsan yahay midna ay tahay haweenay ay sheegeen inay ka mid tahay Komishankii hore”
Labada xubnood waxaa ay kala yihiin, Kaltuun Sheekh Xasan Cabdi oo ka tirsanayd guddiga uu xilku ka dhammaanayo iyo Cabdirashiid Maxamuud Cali (Riyo Raac) oo ah siyaasi caan ah.
Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi Dhinaca ka jawaabay arrintan ayaa ku taliyay in la illaaliyo sharciga. “Labada xisbi ee mucaaridka ahi waxa ay keeneen labadii xubnood ee sharcigu siiyey (Komishanka), kumaan farogelin, waayo cid baa u dambaysa sharciga oo intayadaba dib u hubinaysa, sidii ay ahayd baanan u qaatay, Guurtiduna way ii keentay, iyana kuma farogelin oo xeerkaa ah in la is ixtiraamo , haddaan xataa wax qoonsado waxaan odhan karaa xisbiyow malaha arrintaas sharcigaasaa ku gef ah oo Baarlamaanku way kugu qabsan doonaane halkaas ka sax, midnase ma odhan, anna intii sharcigu ii oggolaa uun baan ku soo daray,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.
“Dadkaasna maxkamad baa la geynayaa, maxkamadduna waa Baarlamaanka, Baarlamaanka la leeyahay sharcigii aad dhigteen dadkaas la soo naqeeyay ma waafaqsan yihiin, shirguddoonka Baarlamaanka oo qudhina ma laha arrintaase waxa leh gole weynaha, way faaqidi oo ka doodi, marka dambena cod bay u qaadi” Sidaas ayuu u garnaqsadday Madaxweynuhu waxaana uu ku taliyay in aan buuq la gellin qaranka iyo diyaar garowg doorashadda.
Xisbiga Waddani xaq buu u leeyahay inuu cabasho ka muujiyo wixii uu qoonsaddo Mudanayaasha Gollaha baarlamaanka ayaana codkoodu ka jawaabi doonaa, waxaase is weydiin mudan sharcigu ma ogol yahay in Tusaale ahaan xubbin guddi hore oo Komishan ku jirtay in dib loo soo xusho. Haaheey, sharci diidayaa ma jiro, waanay dhacday dhowr jeer ooh ore inta lagu heshiiyo in la badalo komishanka in xubnaha badhkood soo noqdaan, tusaale ahaana waxaa ah, Cabdifataax Ibraahin Sheekh oo ahaa xubinta xisbiga cadaalada iyo daryeelka ee UCID u soo magacaabeen Gudida Doorashooyinka Somaliland 10-kii sanadood ee ugu danbeeyayna ku jiray isla markaana noqdey komishanerkii ugu muddada dheeraa komishanka doorashooyinka Somaliland , waxaana masuulkani uu si rasmi ah uga cudur daartey in mar saddexaad xisbiga UCID u soo xusho xubinta guddida doorashooyinka xisbigaas u meteli doonta.
Heshiiska Xisbiyaddu ka gaadheen khilaafkii ka dhashay tiradda xubnaha guddiga doorashadda kordhintooda iyo kan hore kala diristiisana Golaha Wakiilladu waa uu laalay 17-kii bishii 9 2019, waxaase nasiib wanaag ku jiray labada qodob oo kala ah 4aad iyo 5aad ayaa dhigaya sidan:
Haddii wax-ka-beddelka qodobka 1aad ee heshiiskan ay ansixin waayaan Golaha Wakiilladu inta horaysa 1September 2019, waxa Saddexda Xisbi Qaran isku raaceen in mar labaad la hor geeyo Golaha Wakiillada ee cusub, kaddib doorashada.
Magacaabista xubnaha cusub ee Guddida Doorashooyinka Qaranka sida uu dhigayo Xeerka Doorashooyinka Golaha Deegaanka iyo Madaxtooyada, (Xeer Lr. 20/2002), ee wax-ka-beddel lagu sameeyey 15/9/2012 – Qodobka 11aad, Farqada 1aad iyo 2aad), haddii Golaha Wakiilladu ansixiyo wax-ka-beddelka Xeerka, xubnaha Guddida Doorashooyinka Qaranku waxay noqonayaan 9 xubnood, haddii Golaha Wakiilladu ansixin waayaan Guddida Doorashooyinka Qaranku waxay noqonayaan 7-dii xubnood, sida waafaqsan Xeerka Doorashada, ugu danbayn 1 September 2019.”
Sidaas marka ay tahay, Qallinka umma muuqato sabab Marwo Hodan loogu durro Guddiga hore ee Komishanka ayay ku jirtay. Ina Riyo-raac, isaga Golaha ayaa sharciga u eegaya Xisbiga Kulmiye xil maka hayaa? Xubinse ma ka yahay. Baarlamaanka ayaana loo daynayaa si ay uga gutaan waajibkoodda.
Marka aynu soo ururinana, waxaa faalladu door bidaysaa oo tallo ahaan u jeedinaysaa in aan Loxoska iyo biqilka lagu daaqin guddiga cusub oo aan la habseyn si kalsooniddooda loo illaaliyo maadaama la doonayo inay dhex u noqdaan Xisbiyadda iyo murashaxiinta doorashooyinka soo socda, hana lagu kalsoonaaddo Baarlamaanka.