Badhasaabka Saaxil oo Sheegay in la soo Qabtay Dad Dhibaato u Gaystay Shaqaale Ajaanib ah

0
613

Qore Khadar Cabdi Muuse

Berbera (Dawan): Badhasaabka gobolka Saaxil Eng. Axmed Cismaan Xasan, ayaa sheegay in gacanta lagu soo dhigay dad dhibaato ugu gaystay shaqaale ajaanib ah degaanka Daray-godle oo ka tirsan gobolka Saaxil.

Shaqaalahaasi ajaanibka ah oo u dhashay dalka Yemen oo ceelal biyood Riigag ah ka qodayay degaanka Daray-godle ayay maalin dhawayd dhibaato u gaysteen qaar ka mida dadka degaankaasi.

Axmed Cismaan Xasan, oo shalay la hadlay telefishanka qaranka Somaliland waxa uu tilmaamay in dadkii shaqaalahaas Yemeniyiinta ah waxyeeleeyay oo afar ahaa laba ka mida la soo qabtay, halka labadii kale-na ay boolisku ku daba jiraan.

Isagoo arrintaa ka hadlayayna waxa uu yidhi “Rebshaddii maalintii dhawayd ka dhacday degaanka Daray-godle, ee nimankii Carabta Yemeniyiinta ah, dhibaatadda yar loogu gaystay, arrintaana ciidanku aad bay uga hawl galeen, danbiileyaashii oo afar qof ahaana, laba gacanta ayaa lagu hayaa.

Labadii kale-na booliska ayaa daba taagan. Baadhisteedda iyo natiijadeedda oo dhamaystira-na, booliska iyo laamaha amaanka ee baadhaya, ayaa soo saari doona”.

Geesta kale badhasaabka gobolka Saaxil ayaa shaaciyay in ay soo af-jareen muran muddo u dhexeeyay laba beelood oo wada dega degaanka Beeyo-macaan oo ka tirsan gobolka Saaxil.

Degaanka Beeyo-macaan oo ku yaalla dhinaca Bari ee gobolka Saaxil ayuu badhasaabku tilmaamay in muddo afar maalmoodda oo ay halkaa ku sugnaayeen in ay gacmaha isku saareen labaddii beelood ee wax kala tabanayay.

Waxaanu yidhi “Waxaanu afartii maalmood ee u danbeeyay ku mqnayn degmooyinka Bariga gobolka Saaxil, oo hawlo sugid nabadgeliyo ah aanu u tagnay. Hawlihii aanu u tagnayna si fiican ayay noogu soo dhamaadeen.

Dad walaalo ah ayaa waxyaabo ku kala cabanayay meesha la yidhaahdo Beeyo-macaan, meeshiina nabadgeliyo buuxda ayaanu kaga nimid, iyo dadkii walaalaha ahaa oo aanu gacmaha isku soo saarnay, oo wixii ay kala tabanayeena aanu ku kala saarnay”.

Badhasaabka Saaxil ayaa u mahad celiyay odayaasha labadda dhinac sidii wanaagsanayd ee arrintaasi ugala shaqeeyeen.

“Aad iyo aad-na waan ugu mahad naqaynaa odayadii dhaqanka ee labadda dhinac ka kala socday, ee mudadda afarta maalmood ah, ee aanu joognay, nala shaqeeyay, ee nala sugayay amniga, aad iyo aad baanu ugu mahad celinaynaa.

Runtii isu-tanaasulka iyo wadda shaqaynta odayaasha iyo dawladu, marka dhinaca fiican ay u wada jeedaan, waa gacanta koowaad ee ay dawladu ku talaabsato sugidda amniga, waxaa leh caaqiladda.

Gurmadkii aanu halkaa ka galnay, ee labadda beelood ee walaalaha ahi isku qabteen, ee aanu sida fiican u soo wada xalinay, wax dhibaato ah oo aanu kaga nimidna ma jirto”ayuu yidhi badhasaabka Saaxil.

 

 

 

Leave a Reply