“Beesha Gacanta Gaysatay Waxaanu ku Xukunnay in ay Dhib-gaystihii ku Keenaan Muddo Soddon Maalmooda” Wasiirka Beeraha

0
425

Qore Khadar Cabdi Muuse

Hargaysa (Dawan): Wasiirka wasaaradda beeraha Somaliland ayaa sharaxaad ka bixiyay go’aamadda laga gaadhay xukunadda beesha dhibku gaadhay iyo beesha dhib-gaystahaha shaqaaqadii degmadda Gar-gaar Bari ee gobolka Selel.

Axmed Muumin Seed, oo ka mid ahaa xubnaha guddiga xukuumadda Somaliland u xil saartay xalinta shaqaaqadii degaanka ka tirsan gobolka Salal, waxa uu sheegay in beesha gacanta gaysatay ay dhib-gaystihii ku keenaan muddo sodon maalmood.

Halka beesha dhibka loo gaystay ay iyaga-na ku amareen in aanay wax tallabao ah qaadi karin inta dhib-gaystaha la keenayo, isla markaana ay nabadgeliyadda ilaaliyaan.

Wasiirka beeraha oo faahfaahin ka bixinayay dariiqii ay u mareen xalinta shaqaaqo beeleedkaasi, waxa uu yidhi “Qoladii dhibka gaysatay iyo qoladii dhibka loo gaystay-ba, waanu iska hor keenay.

Si gobonimo leh, oo wanaagsan, oo milgo leh ayay u wadahadleeb. Xukuumadu-na waxay ka ahayd dhex, oo waanu isku dhegaysanay labadda dhinac”.

Axmed Muumin Seed, waxa kaloo uu ka hadlay xukunadda lagu kala riday labadda beelood ee la heshiisiinayay.

“Wadahadal dabeed, waxaanu ku soo gebagabaynay oo labadda reer ay heshiis ku ahaayeen, in beesha gacanta gaysatay in ay dhib-gaystihii muddo sodon maalmood ah ku keenaan, ayaanu ku xukunay.

Beesha dhibka loo gaystay, oo dhexeeyaheediina la socdo. Waxaan iyaga-na ku amarnay in ay inta dhib-gaystaha la keenayo nabadgeliyadda ilaaliyaan, oo wax tallaabo ah haba yaraatee aanay qaadin, ee ay sugaan inta gacan ku dhiig laha la keenayo”ayuu yidhi wasiirka beeruhu.

Geesta kale wasiirku waxa uu sheegay in haddii beesha dhib-gaystuhu mudadda loo qabtay in ay ku keenaan danbiilaha ay ku keeni waayaan in tallaabo laga qaadayo.

Waxaanu xusay in masuuliyadda arrintaasi ay iska leeyihiin badhasaabka gobolka Selel iyo taliyeyaasha qaybaha kala duwan ee ciidamadda gobolkaasi.

Wasiirka oo arrimahaas ka hadlayayna waxa uu yidhi “Mudaddaa sodonka maalmood ah ee aanu u qabanay, haddii beesha dhib-gaystuhu ay ku keeni waayaan gacan ku dhiig laha.

Masuuliyadda waxaa iska leh, badhasaabka gobolka Selel iyo taliyeyaasha kala duwan ee ciidamadda qaranka, oo tallaabadeedii qaadi doona.

Beesha dhib-gaystuhu way qaateen in ay iyagu gacanta lahaayeen, ninkii dilka gaystay magaciisii waa la isla qiray, labadda dhinacba heshiis bay ku ahaayeen. Taa ayuun baan anagu-na ka xukuumad ahaan u daba joognaa, sidaas ayaana lagu heshiiyay”.

 

 

 

Leave a Reply